Ciidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna Hal Qof

0
Thursday August 23, 2018 - 14:52:52 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna Hal Qof

    Dhacdo fool xunCiidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo fool xunCiidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna
Waagacusub.net: Ciidamada Dowladda Oo Xabbado Ku Furay Ambulance Meyd Siddey, Dilayna Hal Qof

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah gaar ahaan kuwa saldhigga ku leh agagaarka Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xabad ku furay ambulance uu saarnaa marxuum Dhaqane Muxumed Aaden iyo dadkii duugtiisa u socday.

Sida ay sheegeen dadkii aaska ka qeyb-gali rabay, xabadaha ay ciidamada fureen waxaa ku dhaawacmay Axmednuur Xasan Xuseen, oo ka tirsanaa dadkii saarnaa ambulance-ta, iyaga oo intaas ku daray in dadkii dhaacawa ku soo cararay sidoo kale xabado kale lagu furay balse aan waxba ku noqon.

Loading...

Dhaawaca Axmednuur Xasan Xuseen ayaa loola cararay Isbitaalka Erdogan(Ex Digfeer), laakin nasiib darro daqiiqado kadib waa uu dhintay.

Marxuumka gardarrada lagu dilay Axmednuur Xasan Xuseen waxaa kiiska laga diiwaan-geliyey CID-da, waxuuna hadda yaalaa Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Axmednuur Xasan Xuseen waa 28 jir, waxaa uu ahaa xammaali, eheladda marxuumka waxaa ay dalbanayaan in cadaaladda la soo taago askariga dilka geystay.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...