[Al-Shabaab] oo si Ka duwan Sidii hore u Fuliyay Qaraxyo Lagu Xiray Meydadka Ciidamo ka tirsanaa Dowladda "Akhriso"

0
Saturday August 25, 2018 - 12:55:52 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Al-Shabaab] oo si Ka duwan Sidii hore u Fuliyay Qaraxyo Lagu Xiray Meydadka Ciidamo ka tirsanaa Dowladda "Akhriso"

    Waagacusub.com Faah fahino dheeraad ah ayaa laga helayaa ciidamo katirsan military-ga dowladda Soomaaliya oo duleedka degmada Baydhabo dhimasha iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo lagu xiray meydadka askar kale oo lagu laayay deegaanka Deynuunaay ee duleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com Faah fahino dheeraad ah ayaa laga helayaa ciidamo katirsan military-ga dowladda Soomaaliya oo duleedka degmada Baydhabo dhimasha iyo dhaawac ku noqday Qaraxyo lagu xiray meydadka askar kale oo lagu laayay deegaanka Deynuunaay ee duleedka xarunta KMG maamulka Koofur Galbeed Somaaliya.


Sarkaal katirsan ciidamada dowladda gobalka Baay ayaa Simba u sheegay in deegaanka Deynuunaay uu ka dhacay dagaal socday mudo saacado ah, una dhaxeeyay Xoogaga Al shabaab iyo kuwa Military-ga dowladda Soomaaliya ee ka howgala gobalada kala duwan ee maamulka koofur Galbeed.

Ilo xog ogaal ah ayaa Simba u xaqiijiyay dagaalka oo ahaa mid xoogan uu ka dhashay khasaare kala gaaray labada dhinac dhanka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al shabaaab.


Loading...

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa isku dayay dagaalka kadib iney goobta kasoo qaataan laba askari oo katirsan Military-ga dowladda oo lagu dilay dagaalka, balse meydadka askartaasi katirsanaa dowladda ayaa waxaa lagu xiray meydadkooda Miinooyin sababay dhimashada askar kale oo kamid ahaa ciidamo doonayay iney soo qaadaan meydadka saaxibadood dagaalkaasi ku nafwaayay.


Goobjooge kamid ahaa dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka markii uu istaagay ayna ciidamada isku dayeen iney soo qaataan labadaasi askari oo jirkooda lagu xiray miiyooyin ay ku nafwaayeen laba askari kale oo katirsanaa ciidamo loo diray in dagaalka markii uu istaagay ay goobta meydadka kasoo qaadaan.


Masuul katirsan maamulka gobalka Baay oo diiday magaciisa iyo codkiisa inaan u adeegsano qalabka warbaaahinta ayaa sheegay in tirada guud ee ciidamada dowladda dagaalka ku waxyeeloobay ay gaarayaan 4 dhimasha ah iyo 7 dhaawac ah oo wadarta guud ka dhigeysa 11 askari iney dhimasha iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka dhax maray ciidamada dowladda iyo kuwa Alqaacidda ee Soomaaliya.


Masuulka ayaa dhanka kale sheegay in dagaalyahanada Al shabaab dagaalka uu kasoo gaaray khasaare dhimasha iyo dhaawac ah, balse waxuu ka gaabsaday inuu sheego tirada rasmiga ciidamada Al shabaab ee dagaalka lagu dilay, lakin waxuu xaqiijiyay in ka badan 5 dagaalame lagu dilay dagaalkaasi Deynuunay.


Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka Xarakada Al shabaab ee ciidamadooda dagaalka ay ka qeyb qaateen, iyo kuwa qaranka Soomaaliya ama mas’uuliyiinta maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.


Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in duleedka degmada Baydhabo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan ciidamada xooga dalka iyo kuwa dagaalyanada Alqaacidda ee Soomaaliya.


Managing Editor Ali Aadan Hashi


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...