[War Deg Deg:-] Toogasho Ka dhacday Muqdisho

0
Tuesday September 04, 2018 - 12:41:29 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg:-] Toogasho Ka dhacday Muqdisho

    War Deg Deg:-Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg:-Toogasho Ka Dhacday Magaalada Muqdisho

Waagacusub.com Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd waxa ay toogasho ka geysteen Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.


 Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacadda SIMAD ee  ku taala wadadda Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah dadkii goobta ku sugnaa, kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa toogasho kula dhaqaaqay labo askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Minishiibiyadda Dowladda Hoose.


Loading...

Goob-joogaha ayaa sheegay in rasaasta ay fureen kooxaha hubeysnaa ay keentay in uu ku dhinto hal askari oo Miniishibayadda ka tirsanaa, halka mid kale isagoo dhaawacan uu goobta ka baxsaday.


Askartaan ayaa la weeraray xili ay saarnaayeen Mooto,waxayna kusii jeedaan dhanka wasaaradda Gaashaandhiga Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa haatan gaaray goobta uu falkaan ka dhacay,waxayna meesha ka qaadeen meydka askariga dhintay,waxaana socda baaritaano.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...