Wararkii Ugu Danbeeyay Afduubka 70 Oday Oo Ku Maqan Gacanta Al Shabaab

1
Thursday September 06, 2018 - 12:03:09 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Danbeeyay Afduubka 70 Oday Oo Ku Maqan Gacanta Al Shabaab

    Wararkii Ugu Danbeeyay Afduubka 70 Oday Oo Ku Maqan Gacanta Al Shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Danbeeyay Afduubka 70 Oday Oo Ku Maqan Gacanta Al Shabaab

Odayaasha dhaqanka gobalka galgaduud ayaa saakay wada dadaalo xoogan oo lagu lagu hor fariisanayo hogaanka Al shabaab ee gobalka galgaduud, kadib markii maalmo ka hor ciidamo katirsan Al shabaab in ku dhaw 70 oday ay ka wateen duleedka magaalada Guriceel.


Loading...

 Jawiga deegaano katirsan gobalka Galgaduud ayaa ah saakay mid laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo nabadeed oo ay doonayaan odayaasha dhaqanka gobalka in loo tago Madaxda   Al shaaab ugu magacaaban gobalka Galgaduud oo odayaal gaaraya 70 ka watay Ceelka Galqoyaale oo qiyaas ahaan 130 Km u jira magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.


Al shabaab ayaa inta badan gobalada ay ka maamulaan Dalka beelaha ku dhaqan ka qaada lacagaha loogu magacdaray Zakawaad, balse odayaasha dhaqanka deegaano katirsan gobalka Galgaduud ayaa ka dhaga adeegay baaqa Al shabaab ay soo saareen.


Deegaano katirsan gobalka galgaduud gaar ahaan tuulooyin hoos yimaada Magaalada Xaradheere oo gacanta ay ku hayaan Al shabaab ayaa odayaasha ku dhaqan halkaasi, bilo ka hor sidaan oo kale uga dhag adeegay amarka Xoogaga Al shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal dhiig ku daatay oo markii danbe Xarakada loo ogolaaday waxii ay rabeen.


Waxii kusoo kordha waan waanta lagu doonayo in lagu soo sii daayo odayaasha gaaraya ilaa 70 oday ee ilaa hada aan la garan halka ay la aadeeen kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab


Dhinaca kale dadka dagan deeganada hoos taga degmada Ceelbuur sida Dhagax yaale Golongole Wara dhuumale waxaa isku fara saray dadka deeganka iyo kooxda Al Shabaab waxanaagu heshiiyay in kooxda Al-Shabaab eesan soo galin deeganadas aan hadda soo tiriyay



Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...