[Topnews] Golaha wasiirada Federaalka iyo xildhibaano ka cabanaya baad iyo handadaad

0
Friday September 07, 2018 - 17:49:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3526
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Golaha wasiirada Federaalka iyo xildhibaano ka cabanaya baad iyo handadaad

    Waagacusub.com - Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxay cabasho ay jeedinayan xubno ka tirsan Xukuumada Federalka Soomaaliya kuwaasi oo ka cabanaya cadadis uu ku hayo mudane bald oo ka tirsan ulamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxay cabasho ay jeedinayan xubno ka tirsan Xukuumada Federalka Soomaaliya kuwaasi oo ka cabanaya cadadis uu ku hayo mudane bald oo ka tirsan ulamaanka Soomaaliya.

Xubnahan golaha wasiirada ka tirsan oo gaaraya 6 qof oo isugu jiro wasiir iyo wasiir ku xigeeno ayaa sheegay in uu dhibaato iyo faragin joogto ah ku hayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee ulamaanka federaalka xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ay sheegeen in uu si toos ah ama di dadban you handadayo. 

 

Cabdiweli Muudey ayaa xubnahan ku cadaadinaya in dad isaga ka socdo ay u shaqaaleysiiyaan oo ay u qoraan mushaar fiican bala marka ay wasiirada ku adkaato in ay shaqaaleysiyanaan ayaa durbadiida waxaa soo faad saareyso handadaad kaga imaaneyso Xildhiban Cabdiweli Muudey isaga oo ku caanaxys "In aad warkeyga yeesho wadiiday soo ma aha, anigaa shaqadaada aqaano "taasoo loo fasirtay in Cabdiweli Muudey uu ka shaqeyni doono in wasiirka ama wasiir ku xigeenka xilka laga qaado. 

 

Wasiir ku xigeen ka tirsan xukuumada ayaa sidoo bald sheegay in Cabdiweli Muudey si toos ah ugu sheegay in waqtiga uu golaha wasiirada kusii jiri doono ay tahay muddo kooban oo aad u yar, uuna ku howl yahay sidii uu xilka uga xayuubin lahaa. 

 

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan ulamaanka oo quud dareynayo in ay golaha wasiirada kusoo biiran ayaa Xildhiban Cabdiweli Muudey ka codsaday in uu kala shaqeeyo sidii ugu dhigi lahaa wasiiro ama wasiir ku xigeeno. Balse xildhibaanada ayaa la yaabay markii uu Cabdiweli Muudey ku dhahay lacag dhiiba si aad golaha wasiirada uga mid noqotaan. 

 

"Weligey ma maqlin mana arkin Cabdweili Muudey ka hor xildhiban dhahaya xildi banai bald bixi oo aniga isii si aad xubin ugu noqoto golaha wasiirada" ayuu yiri xildhibaan uu Cabdiweli Muudey ku xujeeyay in uu lacag bixiyo si uu ugu mid noqdo golaha wasiirada. Xildhibaankan ayaa ka baqaya haddii uu magaciisa sheego in Cabdiweli Muudey ka hor istaago dadaalka uu ugu jiro in mar un ii xubin ka noqdo golaha wasiirada. 

 

Arrangan ayaa noqotay arrin aad usoo shaacbaxday bilihii ugu dambeeyay ayadoo xubnaha ka tirsan golaha wasiirada ay garan la'yihiin sidii ay u maareyn lahaayeen dalabaadka ka imaanaya Cabdweli Muudey ee ku dhisan handadaada iyo baadka. 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...