[Ethiopia:] Heego iyo Qeerroo kuwee dimbi galay ? Cadaalad daro ku dhacday Somali ?

0
Sunday September 16, 2018 - 03:18:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ethiopia:] Heego iyo Qeerroo kuwee dimbi galay ? Cadaalad daro ku dhacday Somali ?

    Waagacusub.com - Kacdoon wadayaasha Qeerroo ee Jawar Mohammed hogaamiyo waxeey afartii sano ee la soo dhaafay laayeen dad badan oo aan waxba galabsan, waxeey gubeen Warshado,xarumo ganacsi iyo Gaadiid laakiin markii Ra'isulwasaaraha Ethiopia noq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Kacdoon wadayaasha Qeerroo ee Jawar Mohammed hogaamiyo waxeey afartii sano ee la soo dhaafay laayeen dad badan oo aan waxba galabsan, waxeey gubeen Warshado,xarumo ganacsi iyo Gaadiid laakiin markii Ra'isulwasaaraha Ethiopia noqday Abiy Ahmed ayaa dagaal oogaha Oromadda Qeerroo Mr `Jawar `Mohammed loo dhigay Madaxtooyadda Addis Ababa Roog cas taas oo ka dhigneed in lagu abaalmariyey dimbiyadii uu ka geeystay dalka Ethiopia.
Nasiibdaro , kacdoon wadayaasha Somali Galbeed ee HEEGO oo ka carooday gumaadka Oromadda kula kacday dadka Soomaaliyeed iyo weerarkii Ciidanka Federalka Ethiopia ku qaadeen Madaxtooyadda DDS ayaa gubay kaniisad ku taal Jigjiga .
Xukumadda Abiy Ahmed ayaa xabsiga u taxaabtay Madaxweynahii Somalida Abdi Mohamud Omar iyo qaar ka mida taageerayaashiisii sida Abdirizak Saxane,Farhan iyo Rahmo Mohamud.
Masuuliyiintaan oo si xun loo jirdilay ayaa Maxkamad la soo taagay 14 September 2018 balse wuxuu qofkasta yaabay markii dacwad oogayaasha sheegeen in lagu heeysto kacdoon wadayaashii HEEGO ee kaniisadda Jigjiga gubay darteed.
Jawar Mohammed kooxdiisa Qeerroo immisa magaalo ayey gubeen, immisa kun oo qof ayey dileen ? xilligaan Addis Ababa waxeey ka wadaan soow maaha burburin iyo rabshado sabnabay in la xiro wadooyinka., haddana halkii lagu Maxkamadeyn lahaay soow laguma abaal marin in Madaxtooyadda Addis `Ababa loo dhigo Red Carpet .
SABABTA WAA CADAHAY, WAA INUU KU QABIIL YAHAY RA’ISULWASAARAHA ETHIOPIA ABIY AHMED UNA DHASHAY OROMO laakiin Nasiibdaro Xukumadda Abiy Ahmed waxeey noqotay Xukumad Oromo ,waana sababta Madaxweynahii xushmadda lahaay ee dhulka Somalida loogu bahdilay xabsiyadda iyo dariiqyadda Addis Ababa isagooy hareerahiisa socdaan kuwii dadka xasuuqay.
CADAALAD DARO TAARIIKHIYA AYAA KU DHACDAY SOMALIDA ETHIOPIA GUMEEYSATO OO HOREY LOO GUMAADI JIRAY TAARIIKH FOG.
Haddii sawir guud laga bixiyo madaxda Ethiopia dhamaantood waa dimbiilayaal, wuxuuna Mr Abiy Ahmed ka mid yahay dimbiilayaashaas maxaa yeelay wuxuu ahaay Korneyl ka tirsan Sirdoonka Ethiopia balse waxaad isweeydiisaa falka lagula kacay Madaxda Somali Galbeed ee bahdilka maxaa ka dhalan doono ?
Madaxweyne Abdi Mohamud Omar wuxuu ahaay ninka kaliya ee dadkiisa u dhibaateeyay in Ethiopia nabad ku seexato, wuxuu ahaay ninkii hor istaagay Al-Shabaab oo doonayey iney sida Kenya u qarxiyaan Ethiopia, wuxuu dagaal culus la galay jabhadda ONLF oo dooneysay iney dhulka Somali galbeed ka xoreeyso Xukumadda Ethiopia laakiin  abaal gud waxaa looga dhigay in Xabsiga lagu jirdilo ama Tv-yadda Addis Ababa laga baahiyo isagoo labada gacmood ka jeebeeysan.
Qofkasta oo Somalia wuxuu xaqiiqsaday ineysan Ethiopia abaal laheyn maxaa yeelay qofka daweeya waxeey ka jecel yihiin qofka dila .
Sikastaba ha ahaatee, Abdi Mohamud Omar kadib waa adkaan doontaa in qof Somalia aaminto Xukumad ka jirta Ethiopia ,Waxaana dhinaca kale kordhay naceybkii Somalida u qabtay taliska `Addis Ababa iyo Oromadda ay ugu yeeraan qutti.
By Dahir Alasow

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...