[Topnews:-] Dowladaha Reer Galbeedka oo si wadajira ugu hanjabay Saudi Arabia - Warsaxaafadeed

1
Monday October 15, 2018 - 10:00:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Dowladaha Reer Galbeedka oo si wadajira ugu hanjabay Saudi Arabia - Warsaxaafadeed

    Waagacusub.com - War qoraal ah oo si wada jir ah uga soo baxay Wadamada Mareykanka, Britain, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa waxaa boqortooyada Sacuudiga loogu baaqay in si deg deg ah looga jawaab celsho khaarijinta la tuhunsan yahay ee Jamal Khashoggi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - War qoraal ah oo si wada jir ah uga soo baxay Wadamada Mareykanka, Britain, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa waxaa boqortooyada Sacuudiga loogu baaqay in si deg deg ah looga jawaab celsho khaarijinta la tuhunsan yahay ee Jamal Khashoggi.

Qoraalka wadamadani ayaa waxaa Hay’adaha amaanka boqortooyada looga dalbaday inay la imaadan cadeymo lagu qanci karo inaan la khaarijin Jamal Khashoggi oo la helay macluumaad muujinkara in lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Wadamadani waxa ay tilmaameen in ay doonayaan in la kala cadeeyo maqnaashaha Jamal Khashoggi oo la waayay labadii bishan, iyadoo sidoo kale boqortooyada looga dalbaday inay meesha ka saran qarinta kiiska.

Qoraalka oo ahaa mid mideysan ayaa waxaa lagu yiri "Sacuudiga waxaanu ka dooneynaa jawaab degdeg ah, waxaanu heynaa cadeymo balse diyaar uma nihin inaan ka hordhacno jawaabta boqortooyada”

"Waxaanu go’aan ka qaadan doonaa kiiska Jamal Khashoggi ee boqortooyada waa haddii aanu weyno cadeymaha aan ka sugeyno dowlada”

Waxa ay sidoo kale, sheegen in Saxaafada adduunka ay xor u tahay inay kala sifeyso Siyaasadaha wadamada aan fadhin, iyagoo Jamal Khashoggi ku sifeeyay suxufi daacad u ahaa howshiisa.

Jamal Khashoggi oo marar badan dhaleeceyn u jeediyay maamulka boqortooyada sacuudiga,waxaana la waayay 2-dii bishan kadib markii uu booqday qunsuliyada magaalada Istanbul.

Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib war saxafadeed ka soo baxay midowga yurub,kaasi oo loogu baaqay dhinacyada baaritaanada ku lugta leh in si deg deg ah ay u soo cadeeyaan xaalada Jamal Khashoggi.


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...