Golaha Aqalka sare oo Farmaajo iyo Kheyre u qabtay muddo Seddex cisho ah

0
Saturday October 20, 2018 - 20:14:42 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Golaha Aqalka sare oo Farmaajo iyo Kheyre u qabtay muddo Seddex cisho ah

    Waagacusub.com Kadib shir Jaraa'id uu ku qabtay Gudaha Muqdisho Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxa uu kaga hadlay halkii uu ku dambeeyay dhex dhexaadintii Aqalka Sare uu ka dhex waday Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com Kadib shir Jaraa'id uu ku qabtay Gudaha Muqdisho Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxa uu kaga hadlay halkii uu ku dambeeyay dhex dhexaadintii Aqalka Sare uu ka dhex waday Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in 17kii Bishii hore ay wufuud u direen Dowlad Goboleedyada,isla markaana ay ka keeneen warbixino la xiriira cabashooyin ay ka qabaan dowladda una gudbiyeen Xukuumadda Federaalka.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya aan weli laga helin wax jawaab ah,isla markaana ay qaadatay waqti dheer laakin aan weli wax Go’aan ah ka soo bixin dhinaca Xukuumadda.IIsaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay shirar ay qabsan lahaayeen aan ka codsanay inay joojiyaan mudo laba jeer ah kana aqbaleen balse Xukuumadda Federaalka aanan ka helin jawaabtii ay ka rabeen.

Shir ay yeesheen Guddiga joogtada Aqalka Sare ayuu sheegay inay ka soo saareen Go’aano kuwaaas oo kala ah.

1-In jawaab laga sugaayo Madaxweynaha mudo Saddex Cisho ah gudahood oo ka bilaabaneysa 20/10/2018 kuna eg 22/10/2018 uuna ku cadeynayo inuu diyaar u yahay wada xaajoodka ay wadaan Golaha aqalka Sare.

2- In Xukuumadda Federaalka ay ku soo gudbiso mudo Saddex Cisho ah bilaabaneysa 20/10/2018 kuna eg 22/10/2018 jawaabaha ay ka bixinayaan tabashooyinkii laga soo aruuriyay Xubnaha Dowlad Goboleedyada.

3-In Golaha Aqalka Sare uu Go’aan ka soo saari doono Aragtidiisa Khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada hadii  Madaxweynaha ama Xukuumadda ay ku guul dareestaan labada qodob aan kor ku soo sheegnay.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...