[Infaaq:] Maxaad ka taqaan lacagta aan zakada ahayn ee Al-Shabaab ay ka qaado beelaha iyo ganacsatada

0
Saturday October 20, 2018 - 23:05:04 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Infaaq:] Maxaad ka taqaan lacagta aan zakada ahayn ee Al-Shabaab ay ka qaado beelaha iyo ganacsatada

    Waagacusub.Com Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.Com Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha aan sirdoonka [Amniyaat] ahayn, maadaama sirdoonka ay yihiin kooxda ugu muhiimsan uguna lacagta badan.

[Waagacusub.com Mazzarino] Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’


Loading...

Infaaq waa lacag mar soo dhac baad ah oo u dhaxeysa kumanaan illaa tobonaan kun oo dollar oo laga rabo qabiil kasta, iyo lacag u dhaxeysa boqol illaa boqolaal kun oo dollar oo ganacsatada lagu amro.


Infaaq’ waa mid ka mid ah lacagaha ay dadka ugu neceb yihiin ee Al-Shabaab ay ku amarto bixinteeda. Si aan la mid ahayn Zakada, oo mararka qaar loogu soo dhuunto waajibka diimeed, Infaaq waa dhaqan ku dhisan burcadnimo oo ay ku hoos nool yihiin dadka degan deegaanada ay kooxdan maamusho.


Lacagtan ayaa waxaa loo soo rogaa gobol gobol, ayada oo ay ku xiran tahay hadba gobolka markaas dareemaya in miisaaniyaddiisa ay gabaabsi ku jirto. Si la mid ah Zakada, waxaa ururiya ciidamo gaar ah oo ay caawiyaan maamulayaasha deegaanka, oo ay ku jiraan odayaasha qabiilka.



Xitaa darwalada mooto bajaajta waa laga qaadaa lacagtan. Arrintan ayaa sharxeysa sababta mararka qaar loo beegsado, oo kooxdan ay u disho dadka wada mooto bajaajta iyo xoolaleyda aan taageersaneyn Shabaab ee ku nool deegaanada aysan maamulin kooxda.


Shaqaalaha Al-Shabaab ayaa xitaa marka ay kooxda ka waayaan, aan lacag ka heli karin ehalladooda ku sugan dibedaha, sababta oo ah Shabaab waxay tuhmeysaa in lacagtaas loogu soo diray inay wax jaajusaan, sidaas darteedna waa ay iska ilaaliyaan.


Ali Aadan Hashi 



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...