[Dagaal beeleed]: dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka

0
Tuesday October 23, 2018 - 14:37:22 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Dagaal beeleed]: dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Gobolka

    Waagacusub.com-Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay labo beelood uu ka dhacay deegaanka Dhumay oo 45KM u jirta magaalada Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com-Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay labo beelood uu ka dhacay deegaanka Dhumay oo 45KM u jirta magaalada Laascaanood

Dagaalka ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 40 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Sool C/rashiid Xuseen Cabdulle.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa ku baaqay gurmad caafimaad oo la gaarsiiyo isbitaalka magaalada Laascaanood oo la gaarsiiyay dadkii dagaalka ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ahaa mid bilowday subaxdii hore ee Isniintii shalay illaa gelinkii dambe, sida dadka deegaanka ay soo sheegayaan.

Todobaadyo ka hor ayaa waxaa jiray heshiis xabad-joojin oo ay gaareen beelaha colaada u dhaxeysay, kaddib waan waan ay wadeen waxgaradka iyo iyo odayaasha dhaqanka oo u istaagay xalinta dagaalka, hase ahaatee lama oga waxa dib u soo cusbooneysiiyay dagaalka.

Dagaalada ku soo noq-noqday deegaanka Dhumay iyo deegaanada Gobolka Sool ayaa salka ku haya aanooyin qabiil iyo muran dhuleed, waxaana la sheegayaa in dagaalada ka dhacay halkaas ku dhintay dad boqolaal ah.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...