[Ku Xigeenkii]Daacishta Soomaaliya Oo La Dilay

0
Tuesday October 23, 2018 - 14:51:53 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ku Xigeenkii]Daacishta Soomaaliya Oo La Dilay

    Waagacusub.com- ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho.

Isha ugu weyn ee warka ay Waagacusub  ka heshay ayaa ah dad ehel la ah Mahad oo sheegay in lagu dilay Muqdisho muddo iminka todobaad laga joogo. 

"Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano" ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa.

"Waxaa dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo" ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland.

Mahad Macallin iyo ninka lagu eedeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sh. C/qaadir Muumin, ayaa la sheegayaa inuu xanuunsanayoLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sh. C/qaadir Muumin, ayaa la sheegayaa inuu xanuunsanayo

Sababta booska looga dishay Mahad Macallin ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto in awoodda ururka uu gacanta ku dhigo qofka noqonaya ku xigeenka madaxa ururka, maadaama hogaamiyahooda, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu xanuunsanayo, oo Mahad uu ahaa ninka awoodda iyo go'aannada lahaa.

Dawladda maraykanka ayaa horraantii sannadkan ku dartay Mahad Macallin liiska shakhsiyaadka ay xayiraadda ku soo rogtay. 

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa ururkaas, oo tiro ahaan lagu qiyaaso ilaa dhowr boqol oo dagaallameyaal oo intooda badan ku sugan deegaanno ka tirsan bariga Puntland, waxaa ugaarsi ku hayey kooxda Al Shabaab.

Arrinta iminka aad isha loogu hayo ayaa ah saamaynta dilka mahad macallin ay ku yeelan karto ururkaas oo hogaankiisa uu iminka kala daadsan yahay.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...