[Sacuudiga]: oo ku fadeexoobay laaluush siyaasadeed ka kooban 3 arrin oo ay usoo bandhigeen Erdogan

0
Tuesday October 23, 2018 - 20:37:11 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Sacuudiga]: oo ku fadeexoobay laaluush siyaasadeed ka kooban 3 arrin oo ay usoo bandhigeen Erdogan

    Waagacusub.com- Wargeyska The New York Times waxa uu ka soo xigtay xubno ku dhow Madaxweynaha Turkiga inay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga ku fashilantay hindise ay Madaxweyne Erdogan u soo bandhigeen, si aan loo shaacinin natiijada baaritaanka dil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wargeyska The New York Times waxa uu ka soo xigtay xubno ku dhow Madaxweynaha Turkiga inay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga ku fashilantay hindise ay Madaxweyne Erdogan u soo bandhigeen, si aan loo shaacinin natiijada baaritaanka dilkii Saxafigii Sacuudiga ee Jamaal Khashoggi oo bishan October 2-dii lagu dilay magaallada Istanbul.

Wargeyska waxa uu qoray in Amiir Khaalid Faysal oo ah La- taliyaha Boqorka Sacuudiga oo dhawaan booqasho ku tegay Istanbul, iska markaana uu Madaxweyne Erdogan Kala hadlay baaritaanka dilkii Saxafiga Jamaal Khashoggi.

Wargeyska waxa uu qoray inay Ilo-wareedyo u sheegeen inuu Amiir Khaalid u sheegay Erdogan qorshe ay Sacuudiga Ku beddelanayaan hakinta Kiiska Saxafigii la dilay.

Qoddobadda ay Sacuudiga soo bandhigeen ayaa Kala ahaa:-

1-Inay taageero Maaliyadeed siinayaan Turkiga.

2-Inay Sacuudiga kordhinayaan Maalgashiga Turkiga iyo

3-Inay Sacuudiga cunaqabataynta ka qaadi doonaan Dowladda Qatar oo Isbahaysiga dhow la leh Turkiga.

Xubnaha ku dhow Madaxweyne Erdogan waxay u sheegeen Wargeyska The NYT inuu Madaxweynuhu Ku gacan-sayray Hindisihii uu Amiir Khaalid Faysal u soo bandhigay.

Wuxuuna Erdogan ku tilmaamay Hindisahaasi Laaluush Siyaasadeed.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...