[Xubno ] :ka mid ah jirka suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi oo la helay

1
Wednesday October 24, 2018 - 03:31:12 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xubno ] :ka mid ah jirka suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi oo la helay

    Waagacusub.com- Guriga Qunsulka Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay in laga helay qeybo kamid ah jirka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashogg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Guriga Qunsulka Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa la sheegay in laga helay qeybo kamid ah jirka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashogg

Telefeshinka SKY News ee xaruntiisa dhexe ku taala dalka Britain oo xiganaya illo uusan magacaabin ayaa sheegay in darjiin ku dhexyaala guriga Qunsulka Sacuudiga laga helay qeybo kamida jirka Saxafiga oo la jarjaray iyo Madixiisa oo la burburiyay.


Loading...

Baarayaasha Turkishka ayaa waxa ay maalmahani baaritaan ka dhex wadeen Guriga Qunsulka oo 500 talaabo u jira dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga, halkaasi oo bishan 2-da lagu dilay Saxafiga Jamal Kashoggi.


Warkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan uu maanta faahfaahin ka bixiyay dilka Jamal Kashoggi, waxa uuna walaac ka muujiyay inaanu wali la helin Meydka Saxafiga.


Erdogan waxa uu Saraakiisha Sacuudiga ka codsaday inay sheegan halka ay ku aaseen Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi.


Warbaahinta Turkiga waxa ay sheegen in Hanti uu leeyahay Jamal Kashoggi laga dhex helay gaari ay leedahay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.


Dhinaca kale, Afhayeenka Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay in qeybo kamida jirka Saxafigaas la helo, halka qeybna aan laheyn.


Haddalka Afhayeenka ayaa ahaa "Goobta laga helay jirka saxafigaasi waa mid kamida su’aalaha aan dooneyno inaan helno jawaabtooda, iyadoo aan jawaab buuxda ka sugeyno baarayaashaTurkiga”, ayuu yiri afhayeenka.

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...