[Ciidamada]: Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geysaneysay Suuqa Bakaaraha

0
Wednesday October 24, 2018 - 13:24:39 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2122
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ciidamada]: Amniga oo gacanta ku dhigay burcad dhac ka geysaneysay Suuqa Bakaaraha

    Waagacusub.com- Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayay Suuqa Bakaaraha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa saaka gacanta ku dhigay kooxo burcad ah oo dhac ka geysanayay Suuqa Bakaaraha.

Burcadan ayaa adeegsaneysay Mooto bajaaj, waxaana ciidamada gacanta ku dhigeen labo ruux oo mid ka mid ah uu dhaawac ahaa, halka mid kale uu baxsaday.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga Maxamed Tuulax ayaa sheegay howlgal ciidamada Booliska sameeyeen kaddib lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo labo ka mid ah koox burcada ah.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in Suuqa Bakaaraha uu noqdo meel ka caagan kooxaha burcada, isla markaana suuqa uu noqdo mid si nabadgelyo ah loogu ganacsado.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa muddooyinki u dambeeyay ka cabanayay amni daro baahsan oo suuqa ku soo kordhay, kaddib markii kooxo burcad ay bilaabeen inay dhac u geystaan goobaha ganacsiga iyo dadka suuqa u soo dukaameysi tagay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...