[Soomalida Kenya] :oo lagu amray bixinta magta dadka ay dilaan AL-SHABAAB

0
Wednesday October 24, 2018 - 14:08:01 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Soomalida Kenya] :oo lagu amray bixinta magta dadka ay dilaan AL-SHABAAB

    Waagacusub.com- Hoggaamiyayaasha Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa kulan labo maalmood ah oo ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo sida loo dhimi karo waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Hoggaamiyayaasha Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa kulan labo maalmood ah oo ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo sida loo dhimi karo waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Hoggaamiyayaasha Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya ayaa kulan labo maalmood ah oo ay kaga hadlayeen xagjirnimada iyo sida loo dhimi karo waxaa ay ka soo saareen qodobo dhowr ah.


Loading...

Kulanka Hoggaamiyayaasha ayaa qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ah in Dadka aan Muslimka aheyn ee lagu dilo degaankaas ay diyadooda bixiyaan dadka degaanka.


Arrintaas ayuu Guddoomiyaha Mandheera Cali Roobow ku sheegay in ay hoos u dhigi karto xiriirka dadka degaanka iyo Al-shabab.


Xubnaha ayaa isku raacay in qofkiiba laga bixiyo 1 Milyan oo lacagta Kenya ah,sidoo kale la sameeyo guddi isku dhaf ah oo dowladda kala shaqeeya xiriirka Bulshada,waxaan wasiirka amniga gudaha Fred Matiangi, la weydiistay in uu fasaxo in cafis loo fidiyo dadka ku jira Al-shabab ee doonaya in ay ka goostaan.


Waxaa kale oo la isku raacay in xogta ay bixiyaan dadka degaanka ee la xiriirta Al-shabaab aan la shaacin si aysan qatar u gelin nafta dadka la shaqeeya Hay’adaha amaanka

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...