[Mooshin]: ka dhan ah Farmaajo oo Muqdisho ka socdo iyo Maamul Goboleedyada oo kusoo biiray

0
Wednesday October 24, 2018 - 14:34:19 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Mooshin]: ka dhan ah Farmaajo oo Muqdisho ka socdo iyo Maamul Goboleedyada oo kusoo biiray

    Waagacusub.com- Waxaa maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ka socday mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ay wadaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Waxaa maalmihii dambe Magaalada Muqdisho ka socday mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ay wadaan Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mooshinka oo hadda marayo heer gabagabo ah ayaa waxaa saxiixday ilaa 40 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socdo la hor keeno Baarlamaanka Soomaaliya.


Loading...

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inay mooshinka kusoo biireen Madaxda Maamul Goboleedyada.


Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa ilo ku dhow shirkooda waxay sheegayaan inay ku biirayaan ololaha lagu doonayo in lagu khalkhal geliyo madaxweyne Farmaajo iyadoo xildhibaanada taageera iyo kuwa ay saaxiibada la yihiin ku dhiirigelinaya inay saxiixaan mooshin ‘Impleachment’ Madaxweyne ah oo laga bilaabayo magaalada Muqdisho.


Warar hore u soo baxay ayaa sheegayey in xildhibaannada xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay dib u soo nooleeyeen mooshinka Madaxweynaha oo istaagay markii la weerarray Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Disembar 2017.


Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada C/weli Gaas, Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Axmed Ducaale ayaa u arka madaxtooyada Soomaaliya inay halis ku tahay xilalkooda iyagoo taageereysa in xilalka laga qaado, loogana guuleyso doorashooyinka ku soo fool leh, waxayna arrinta mooshinka u arkaan jawaab ku haboon weerarka uga yimid Madaxtooyada Soomaaliya.


Haddii ay mooshinka kusoo biiraan madaxda Maamul Goboleedyada wuxuu noqon doonaa mid adag inkastoo tirada lagu ridi karo madaxweynaha ay aad u adag tahay marka loo fiiriyo middo Ra’isulwasaaraha.


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey uga hor tagtay mooshino badan oo laga diyaarinayey waxaana macquul ah inay midkaana ka hor tagto ka hor inta aan Baarlamaanka la hor keenin.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...