[Wasiirka]: Maaliyada Jubaland oo ka Jawaabay baaqii 2aad ee ka soo baxay Wasiir Beyle.

0
Wednesday October 24, 2018 - 23:37:35 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wasiirka]: Maaliyada Jubaland oo ka Jawaabay baaqii 2aad ee ka soo baxay Wasiir Beyle.

    Waagacusub.com- Wasiirka Maaliyada maamulka Jubaland, ayaa ka hadlay qoraal maanta ka soo baxay Wasiirka Maaliyada Somaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wasiirka Maaliyada maamulka Jubaland, ayaa ka hadlay qoraal maanta ka soo baxay Wasiirka Maaliyada Somaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa mar kale looga codsaday maamul goboleedyada inay soo dhameystiraan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ee ka midka aheyd taageerada dowladdu siiso maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

C/rashiid Jire Qalinle oo ah Wasiirka Maaliyada  maamulka Jubaland, ayaa ka Jawaabay baaqa Wasiir Beyle, Isagoo sheegay in Qoraaladan ay yihiin oo kaliya kuwo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo SHirarka Golaha Iskaashiga.

Qoraalkan kii ka horeeyay, ayuu sheegay in la soo saaray xiliga SHirkii Kismaayo, Kan cusubna lagu soo aadiyay midka Garoowe uga socda Dowlad Goboleedyada, taasoo muujineysa in Dowladda Dhexe carqaladeyneyso Shirarka, Sidaas waxaa yiri Wasiir Qalinle.

Dowladda Dhexe, ayuu sheegay ineysan si rasmi ah baaqyadeeda ugu dirin Maamul Goboleedyada, balse ay soo dhigto oo kaliya Baraha Buslhada taasoo Muujineysa hoos u dhaca la galiyay Dowladnimada dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay in si dhow ula shaqeyneysay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad goboleedyada si ay u diyaariyaan xisaab celinta laga rabo.

Balse waxaa arintaas meesha ka saaray Wasiirka Maaliyada maamulka Jubaland C/rashiid Jire Qalinle, Waxa uu tilmaamay  in wali halkeeda ay tahay Hakadka ku jira Xiriirka dowladda Dhexe iyo kuwa Gobolada, Isagoo Su'aal iska weydiiyay Cida ay wadashaqeynta Todobaadyadan la lahaayeen.

Ugu danbeyn, Wasiir Qalinle, ayaa Carabka ku goday in dakhliga ka soo xarooda Dekeda magaalada Kismaayo ay u soo wareejiyaan Dowladda Dhexe, Waloow Federaalka laga la'yahay lacagaha ay soo dhiibaan deeq bixiyayaasha.

Si Kastaba,  khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa gaaray halkii ugu xumaa, waxaana maamul goboleedyada ay horay uga dhawaaqeen Shirkii Kismaayo inay hakiyeen wada shaqeyntii dowladdii Federaalka la lahaayeen.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...