[Madaxda]: Maamul goboleedyada oo sameystay Xisbi siyaasadeed gaar ah

0
Thursday October 25, 2018 - 14:16:03 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1381
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Madaxda]: Maamul goboleedyada oo sameystay Xisbi siyaasadeed gaar ah

    Waagacusub.com- Madaxda afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa isku raacay inay sameystaan Xisbi siyaasadeed gaar ah, kaddib markii uu u soo gabagaboobay shir afartii cisho ee la soo dhaafay uga socday magaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Madaxda afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa isku raacay inay sameystaan Xisbi siyaasadeed gaar ah, kaddib markii uu u soo gabagaboobay shir afartii cisho ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe.

Xisbiga siyaasadeed ee ay sameysteen Madaxda afarta dowlad goboleed ayaa loogu magac daray Horusocd Qaran, (National Progressive Party), waxaana Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa is bedel lagu sameeyay Hoggaanka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye loogu doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan, halka Guddoomiye kuxigeen loo doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xisbiga Horusocod Qaran ee ay sameysteen Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay Xisbiyada siyaasadeed ee dalka oo ay uga qeyb galayaan doorashada 2020 ee la qorsheynayo inuu noqdo doorasho xisbiyadeed.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...