[Agaasimaha CIA]: Ms Haspel oo dhagaystay codad laga duubay dilkii Khashoggi

0
Thursday October 25, 2018 - 15:15:34 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Agaasimaha CIA]: Ms Haspel oo dhagaystay codad laga duubay dilkii Khashoggi

    Waagacusub.com- Agaasimaha CIDda dalka Maraykanka Gina Haspel ayaa dhagaysatay codad la sheegay in laga duubay dilkii saxafiga Khashoggi. Ms Haspel ayaa loo oggolaaday inay codadkan dhagaysato xilli ay booqanaysay horaantii toddobaadkan dalka Turkig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Agaasimaha CIDda dalka Maraykanka Gina Haspel ayaa dhagaysatay codad la sheegay in laga duubay dilkii saxafiga Khashoggi. Ms Haspel ayaa loo oggolaaday inay codadkan dhagaysato xilli ay booqanaysay horaantii toddobaadkan dalka Turkiga sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Turkiga iyo Maraykankaba.

Agaasimaha laanta sirdoonka dalka Maraykanka Ms Haspel ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxa ay booqasho ku tagay dalka Turkiga waxayna maanta dib ugu laabatay dalka Maraykanka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in arrintan ay sababi karto in dowlada Maraykanka ay tallaabo ka qaado Boqortooyada Sacudi Carabiya. Sacudi Carabiya ayaa beenisay in dhaxalsugaha Mohammed bin Salman uusan wax lug ah ku lahayn dilka Khashoggi.

Hase yeeshee Khashoggi ayaa ku dhaartay in uu tallaabo adag ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay dilka saxafiga Khashoggi. Wararkii ugu dambeeyay ee baaritaanka meydka Khashoggi ayaa sheegaya in weli laga raadinayo guriga uu ka degenaa qunsulka Boqortoyada Sacudi Carabiya magaalada Istanbul. Sidoo kale dowlada Turkiga ayaa gaashaanka ku dhufatay in loo gudbiyo dacwad Maxkamada Caalamiga ah.    


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...