[Qaxootigii]: ugu badnaa oo ku Qulqulaya Xuduuda Mareykanka iyo Ciidan loo diray.

0
Friday October 26, 2018 - 14:53:00 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Qaxootigii]: ugu badnaa oo ku Qulqulaya Xuduuda Mareykanka iyo Ciidan loo diray.

    Waagacusub.com- Ayada oo koox muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka bartamaha Amerika ay kusoo socdaan xuduudda waqooyi ee Mexico, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu rajadooda ah inay soo galaan Mareykanka ugu yeeray "xaalad qaran oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ayada oo koox muhaajiriin ah oo ka yimid dalalka bartamaha Amerika ay kusoo socdaan xuduudda waqooyi ee Mexico, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu rajadooda ah inay soo galaan Mareykanka ugu yeeray "xaalad qaran oo deg deg ah".

In ka badan 2,000 oo ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka ayaa Mareykanka uu geeyey xudduuda. Si kastaba, Trump ayaa khamiistii ka digay inuu ciidamada milatariga geyn doono xuduudda, si uu uga hor-tago in dadkaas ay soo galaan Mareykanka.

"Milatariga ayaan u keenayaa xaaladdan qaran ee deg degga ah. Waa la joojin doonaaā€¯ ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Trump ayaa sidoo kale sarkaal ka tirsan midowga shaqaalaha ilaalada xuduudda ku raacay in dimqoraadiga ay sabab u yihiin dadkan muhaajiriinta ah ee raadinaya inay soo galaan Mareykanka.

Trump ayaa ku eedeeyey dalalka Honduras, El Salvador iyo Guatemal inaysan celin dadkooda usoo socdaalaya Mareykanka, waxaana uu sheegay inuu ka jari doono ama ka dhimi doono gargaarka Mareykanka uu siiyo dalalkaas.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...