[Soomaaliya]: oo kaalinta 1aad ka gashay liiska dalalka dilayaasha saxafiyiinta aan la maxkamadeyn

0
Sunday November 04, 2018 - 16:24:20 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1071
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Soomaaliya]: oo kaalinta 1aad ka gashay liiska dalalka dilayaasha saxafiyiinta aan la maxkamadeyn

    Waagacusub.com- Warbixin ay soo saartay hay'ada ilaalinta saxafiyiinta CPJ ayaa lagu xusay in dalka Soomaaliya uu sanadkii 4aad kaalinta 1aad uu ugaga jiro wadamada lagu dhibaateeyo saxafiyiinta oo aan cidna loo qaban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Warbixin ay soo saartay hay'ada ilaalinta saxafiyiinta CPJ ayaa lagu xusay in dalka Soomaaliya uu sanadkii 4aad kaalinta 1aad uu ugaga jiro wadamada lagu dhibaateeyo saxafiyiinta oo aan cidna loo qaban.

Liis ay soo saartay CPJ ayaa lagu xusay 14 dal kuwaasoo ugu daran in aan cadaalad la soo horkeenin dadka geysta dilalka saxafiyiinta.

Soomaaliya ayaa kaalinta 1aad ugaga jirta liiskan sanadkii afaraad ee isku xiga waxaana liiskan lagu soo daran sanadkan  dalalka Afghanistan iyo Colombia.

Tobankii sano ee la soo dhaafay 324 weriye ayaa la dilay iyadoo boqolkiiba 85 dadkii ka dambeeyay dilalkaas aan la soo qaban.

Dhowaan ayaa xoghayaha guud ee  ururka Saxafiyiinta Qaranka  Soomaaliya Maxamed Ibraahim  Nuur  waxa  uu ugu baaqay dowlada Soomaaliyeed inay wax ka  qabato dilalka saxafiyiinta ayna sharciga horkeento dadka  ka dambeeya dilalka saxafiyiinta.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...