[Xog]: Xaqiiqda sababta uu Shariif Xasan u tanaasulay

0
Wednesday November 07, 2018 - 19:18:47 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Xog]: Xaqiiqda sababta uu Shariif Xasan u tanaasulay

    Waagacusub.com- Xog cusub ayaa soo baxaysa go'aanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Xog cusub ayaa soo baxaysa go'aanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go'aanka, qaatay "isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed" Si kastaba, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Shariif Xasan uu dowladda federaalka ah ka qaatay lacag dhan afar milyan oo dollar, si uu xilkaasi uga dego.

Shariifka ayaa la sheegay in isaga oo eegaya xaaladda Koonfur Galbeed, oo ah maamul dhaqaale ahaan liita iyo xaqiiqda ah in laga yaabo in doorashada looga adkaado uu go’aansaday inuu qaato lacagta dowladda.

Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya inaysan meesha ka marneyn hanjabaad ay ujeedisay dowladda iyo ciidamada Itoobiya ee jooga maamulkiisa oo saraakiishooda ay dhageysteen madaxda dowladda dhexe, kadib isku soo dhowaanshiii madaxda Ethiopia yo Soomaaliya.

 

Lama yaqaan tallaabada xigta ee Shariif Xasan oo ahaa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...