[Topnews:-] Ku tagrifalka Ku xigeenadda Guddoonka BF Somalia oo kasoo horjeeda "ilaalinta" maamulka maaliyadda

0
Monday December 03, 2018 - 11:15:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1482
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Ku tagrifalka Ku xigeenadda Guddoonka BF Somalia oo kasoo horjeeda "ilaalinta" maamulka maaliyadda

    Waagacusub.com - Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay'adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay'adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka.

Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah  waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya.

 

Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag.  Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola.

Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...