Keating oo saadaaliyay Mooshinka Farmaajo inuu ka badbaadi karo iyo inkale?

0
Sunday December 16, 2018 - 07:32:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2806
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Keating oo saadaaliyay Mooshinka Farmaajo inuu ka badbaadi karo iyo inkale?

    Waagacusub.com - Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wakiilkii hore ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya Michael Keating ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Keating oo wareysi siiyey taleefishinka Jarmalka ee DW, ayaa sheegay in mooshin cod kalsooni oo Farmaajo laga keenay aanu macnaheedu ahayn xasilooni darro siyaasadeed, oo dalal badan oo caalamka ah ay taas oo kale ay ka dhacdo, sidii dalka Britain oo kale oo toddobaadkan ay ka dhacday markii xisbiga muxaafadka ay cod u qaadeen ra’iisul wasaare Theresa May.

"Si kastaba, marka aad eegto Soomaaliya, nasiib darro waa astaan muujineysa suuq siyaasadeed oo caan ku ah gacmo badan oo la isku dhaafsado lacag aan la ogeyn halka ay ka yimaadeen” ayuu yiri Keating,

Keating waxa uu sheegay in mooshinka Farmaajo uu astaan u yahay walaac ku saleysan qabyaalad iyo loolan loogu jiro kuraasta xukunka iyo sidii awoodda gacanta loogu dhigi lahaa.

"Waxaan rumeysanahy in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka bad-baadi doono mooshinkan” ayuu yiri

"Saddexdii sano ee aan joogay Soomaaliya waxaan marar badan arkay mooshino noocan oo kale ah oo laga keenay ra’iisul wasaareyaal iyo madaxweyne, marka la-yaab maaha” ayuu yiri Michael Keating oo xafiiska QM ee Soomaaliya ka tegay bishii October.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...