[Topnews] Farmaajo oo aqbalay mooshinka laga geeyay - Yaa ku qasbay ?

0
Sunday December 16, 2018 - 07:57:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews] Farmaajo oo aqbalay mooshinka laga geeyay - Yaa ku qasbay ?

    Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay mooshinka la geeyay Golaha Shacabka,sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay mooshinka la geeyay Golaha Shacabka,sida ay Waagacusub u sheegeen ila wareedyo ka tirsan Villa Somalia.

Farmaajo ayaa mudo diidanaa mooshinkaan isagoo shalay soo abaabulay xildhibaano si ay taageero mala awaal ah u muujiyaan. Balse cadaadis uga yimmid xubnaha beesha caalamka ayaa ku riixay inuu aqbalo mooshinka.

Laakiin mooshin aqbalaada Farmaajo kama dhigna inuu doonaayo in lagu kala baxo fadhiga Baarlamanka ee wuxuu doonaya in arrinta wada hadal hoose lagu dhameeyo.

Waxaa jira tiro xildhibaano ah oo dhex dhexaad ka ah mooshinka ,kuwaas oo maalmahan u kala dab qaaday Farmaajo iyo Mursal.

Kooxdan ayaa soo tabisay inuu madaxweynuhu codsaday in arrinta la dajiyo uuna mooshinka ogol yahay balse uu rabo in wada hadal lagu xaliyo.

Waxaa xigi doona wada hadal ay galaan garabka Farmaajo iyo midka Mursal, ka hor inta aan la furin Baarlamanka, si la isugu dayo in khilaafka iyo mooshinkaba xal laga gaaro.

Wada hadalka ayaa sababi kara in mucaaradku dalbadaan inuu baxo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kadibna la dhiso Dowlad wadaag ah.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...