[Topnews:-] 1800 askari oo Itoobiyana oo Farmaajo ka amar qaadanaya ayaa Baydhabo la wareegay xalay taas oo doorashadii ka dhigtay ?

0
Wednesday December 19, 2018 - 10:32:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] 1800 askari oo Itoobiyana oo Farmaajo ka amar qaadanaya ayaa Baydhabo la wareegay xalay taas oo doorashadii ka dhigtay ?

    Waxaa maanta la filaya iney qabsoonto doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, inkastoo aaney u dhici doonin sidii dad badan u rabeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta la filaya iney qabsoonto doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed, inkastoo aaney u dhici doonin sidii dad badan u rabeen.

Baydhabo waxaa ka dhacaya wax u muuqda sida afduub siyaasadeed ah, waxaana maanta magaalada guud ah la wareegay ciidamada Itoobiya. Waxaa la xiray dhamaan wadooyinka soo gala magaalada.

Ilaa 1800 askari oo Itoobiya ah oo Farmaajo ka amar qaadanaya ayaa magaalada la wareegay xalay, waxaan maanta dhaceysa doorasho u muuqata in natiijada lasii qorsheeyay.

Villa Soomaaliya ayaa lacag iyo awood ciidanba u isticmaaleysa sidii loo dooran lahaa Cabdicasiis Lafta Gareen oo uu Farmaajo abti u yahay. Dhibaatada oo dhan waxey u dhaceysa sidii Dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ku heli laheyd codadka doorashada 2020 ee reer Koonfur Galbeed.

Ilaa shan musharax ayaa ku tartamaya doorashada muranka badan dhalisay ee Koofur Galbeed, Musharaxa ugu cad cad ee dowladda taageereyso lana filayo inuu ku soo baxo doorashada waa C/casiis Lafta Gareen, sidoo kale Musharaxiinta kale ayaa kala ah Ibraahim Macalin Nuur, Aadan Saransoor, Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Amb. Sayid Axmed.

Waxaa maqan oo aan doorashada xaadiri karin Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaas oo ay aqbaleen guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed, laakiin ay xiratay Dowlada Soomaaliya.

Dadka reer Koonfur Galbeed ayaa aaminsan in la jajuubaayo, oo la qabanaayo maanta doorasho aaney shacabku raali ka aheyn.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...