[Wardegdega] Baydhaba oo Bandow la geliyey iyo Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

0
Wednesday December 19, 2018 - 10:45:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega] Baydhaba oo Bandow la geliyey iyo Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed

    Waagacusub.com - Waxaa Baydhaba ka dhaceysa Doorasho muran ka taagan yahay oo hal dhinac ka rarran, iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaa Baydhaba ka dhaceysa Doorasho muran ka taagan yahay oo hal dhinac ka rarran, iyadoo amniga magaalada si weyn loo adkeeyay.

Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay xarunta ay doorashada ka dhaceysa ee Madaxtooyada Baydhaba, iyadoo saaka amniga magaalada waxaana la joojiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana la dhigay ciidamadii ugu badnaa ee magaalada la dhigo, iyadoo ay halkaasi gaareen wafdi ka tirsan xukuumadda oo la sheegay inuu kor joogto ka noqonayo doorashada maanta.

Hoolka doorashada ka dhaceyso ayaa si rasmi ah u furmay, waxaana goobta la keenay sanaadiqda codbixinta, iyadoo dad yar ay halkaasi ku sugan yihiin sida mas’uuliyiinta Doorashada.

Musharixiinta xilka madaxweynaha ku tartamaya ayaa ah shan musharax, markii laga reebay Mukhtaar Roobow, waxaana ugu cadcad musharax Cabdi casiis Lafta-gareen oo ay wadato dowladda Soomaaliya.


Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...