[Wararkii ] ugu dambeeyay dad rayid ah oo duleedka Muqdisho lagu laayay

0
Monday February 25, 2019 - 17:14:25 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wararkii ] ugu dambeeyay dad rayid ah oo duleedka Muqdisho lagu laayay

    Waagacusub.com- Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi, sida masuuliyiinta deegaanka ay sheegeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad shacab ah lagu laayay deegaanka Xaawa Cabdi, sida masuuliyiinta deegaanka ay sheegeen

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay ka shaqeynayeen nadaafadda deegaanka, waxaana kooxaha hubeysan ay ku fureen rasaas, taasi oo sababtay inay dad badan ku dhintaan isla goobta.

Ku dhawaad Sagaal ruux oo haween u badnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay rasaas ay fureen kooxaha hubeysan, waxaana la sheegayaa in goobta ay ka baxsadeen dadka falka geystay.

Masuuliyiinta deegaanka ayaa falkaasi ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Al Shabaab, waxaana dadkii dhaawacyada daran ay kasoo gaareen rasaasta loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Ayaan Xasan Xaaji oo ah guddoomiyaha deegaanka ayaa xaqiijisay in haween badana y goobta ku dhinteen.

Ma jiro faahfaahin kale oo laga helayo goobta weerarka uu ka dhacay, balse laamaha amaanka ayaa la sheegayaa inay goobta gaareen.



Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...