[Waxaan] ka cabsanayaa in Farmaajo uu dalka dib ugu celiyo 1991" Waxaa yiri

0
Saturday March 16, 2019 - 06:56:50 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Waxaan] ka cabsanayaa in Farmaajo uu dalka dib ugu celiyo 1991" Waxaa yiri

    Waagacusub.com- Waxaa mar kale fashilmay dadaallo muddo socday oo la doonayey in lagu siiyo daayo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo in ka badan 3 bilood u afduuban dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Waxaa mar kale fashilmay dadaallo muddo socday oo la doonayey in lagu siiyo daayo Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo in ka badan 3 bilood u afduuban dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, Suldaan Shariif Cali Xasan ayaa sheegay in qorshihii lagu sii daynayey Roobow uu diiday madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Suldaan Shariif ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu doonayo in lasii daayo Roobow, hase yeeshee uusan lahayn awood uu kusii daayo, maadaama madaxweynaha uu diidan yahay.

"Ninkaas Farmaajo ayuu u xiran yahay. Waan daalnay sida aan isku day u wadnay. Waan ka quusanay inaan dib u raadino, waxaan arkaynaa halka uu Farmaajo geeyo ninkaas, iyo goorta uu soo daayo” ayuu yiri yiri Suldaanka.

Farmaajo waa nin madax adag, oo aan cidna dhageysan. Waxaan ka cabsanaa inuu dalkan dib ugu celiyo 1991-kii” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Waxa uu dowladda ku eedeeyey in si ka duwan maamullada kale ee dalka ula dhaqantay dadka Koonfur Galbeed, wuxuuna kula taliyey madaxda dalka inay dhageystaan oo ay ixtiraamaan oday dhaqameedyada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...