[Ciidamadda] Malatariga iyo Kuwa Booliska oo Isku Horfadhiya Wadooyinka Muqdisho

0
Monday March 25, 2019 - 12:14:15 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ciidamadda] Malatariga iyo Kuwa Booliska oo Isku Horfadhiya Wadooyinka Muqdisho

    Waagacusub.com-Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo boolis ah ayaa maanta isku horfadhiya qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com-Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo boolis ah ayaa maanta isku horfadhiya qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda Muqdisho.

Isgoyska Banaadir, Tarabuunka qeybo ka mid ah wadada wadnaha iyo wadooyinka kale ayaa waxaa saakay xirtay Ciidamo ka Tirsan kuwa Malatariga oo ka cabanaya mushaar la’aan afar bilood ah oo aysan ka helin Dowladda.


Loading...

Dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo doonaya In ay is hor istaagaan ciidamadda malatariga ayaa iyana buux dhaafiyay goobaha ay  xirteen ciidamadda Malatariga.

Qof kamid ah dadkii soo maray goobaha ay Isku horfadhiyaan Labada ciidan ayaa Waagacusub u sheegay in ciidamadda Mushaar la’aan ka cabanaya ay inta badan la wareegeen wadooyinka.


"Ciidamo ka Tirsan kuwa malatariga ayaa la wareegay Isgoyska Banaadir, Tarabuunka qeybo ka mid ah wadada wadnaha iyo wadooyinka kale, gaadiidka iyaga ayaa baaraya,sidoo kale ciidamo boolis ah ayaa yimid goobaha ay xirteen ciidamadda Malatariga labadda ciidan feejignaan ayaa ka muuqata”, ayuu yiri qof la hadlay Simba.


Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe ka cabanayay Mushaar la’aan,waxayna Madaxda Dowladda u qabteen muddo 48-saac in ay kaga soo jawaabaan cabashadooda.

 

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...