[Topnews:-] Somaliland oo noqotay ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab iyo qaraxii Sirdoonkooda iyo kuwa Emirate-ka maleegeen oo ganacsade Habargidira loo xiray?

1
Sunday April 28, 2019 - 02:55:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6366
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 3
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Somaliland oo noqotay ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab iyo qaraxii Sirdoonkooda iyo kuwa Emirate-ka maleegeen oo ganacsade Habargidira loo xiray?

    Waagacusub.com - Maamulka Somaliland ayaa qarax la xaqiijiyay iney Sirdoonkooda iyo kuwa Emirate-ka abaabuleen waxey u xireen Ganacsade caana oo u dhashay beesha Saleebaan Habargidir uuna dhalay Cali Xaaji Yusuf.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Maamulka Somaliland ayaa qarax la xaqiijiyay iney Sirdoonkooda iyo kuwa Emirate-ka abaabuleen waxey u xireen Ganacsade caana oo u dhashay beesha Saleebaan Habargidir uuna dhalay Cali Xaaji Yusuf.

Ina Cali Xaaji Yusuf ayuu ujeedku yahay in lagu raad tirto ,iyadoo la og yahay iney Somaliland tahay xarunta labaad ee dhaqaalaha ugu badan Al-Shabaab ka helaan iyo fariisinka garabka siyaasadda ee argagixisadda qaraxyadda ka geeysata Somalia.

Wariye Abdirizak Terra ayaa Warbixin xasaasiya ka qoray qorshaha cusub ee Emirate-ka iyo maamulka Muse Biixi,wuxuuna yiri :-

Safarkii Madaxweyne Biixi ee UAE kadib Dawladda Imaaraatka iyo Somaliland waxay soo wada galeen qorshe loogu yeedhay "Argagixiso ladagaalan” qorshahaas oo loogu hoos dhuumanayo cidkasta oo nidaamka ka hortimaada imaaraatkana loogu fududaynayo sidii loogu dhiibi lahaa dad kamid ah qaxootiga Yemen ee Somaliland kusugan kuwaasi oo ay kujiraan shakhsiyaad ganacsato ah iyo Saraakiil hore.

Majiraan weeraro Aragagixiso oo Somaliland fashilisay kuwaasi oo la doonayey in gudaha laga fuliyo.

Alshabaab iyo Somaliland: Kooxda Alshabaab ilaha dhaqaaluhu kasoo galo Somaliland waxay kaga jirtaa kaalinta labbaad dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya; ganacsatada Somaliland’na Jeeblaha mooyaane waa yar yahay ganacsade aan Sannadkii labba jeer dhaqaale Alshabaab ka qaadin.

Somaliland iyo Alshabaab: Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama iyo Laascaanood waxaa ku nool inta badan qoysaska iyo caruurta saraakiisha ugu waaweyn iyo dagaalyanadooda magaca ku dhex leh Alshabaab.

Alshabaab waxay leedahay labba garab oo kala ah kan military-ga ah iyo mid Siyaasi ah, fadhiga garabka Siyaasiga ahina waa Somaliland siiba magaalooyin tilmaaman.

Ujeedada qaraxa been abuurka ah ee la’ leeyahay qof baa ku dhaawacmay iyo gacan baa ka go’day maaha sida lagu sheegayo in Argagixiso gaysatay, balse waa qorshe Sirdoonak dawladdu samayeen waxna ku waxyeeleeyeen oo aragagixo lagu magac-dhabayo imaaraatkuna dabada ka riixayo oo wax loogu dhuumanayo. xukuumada talada haysaana ay ka dhex aragto dano faro badan oo ay kow ka tahay bar tilmaameedsiga dadyow ay u aragto inay ka dhan yihiin.

Waxyeeladaas waa qorshe, sirdoonka ayaana ka dambeeya, Alshabaab danteeda waa taqaan.

By Abdirizak Terra .


Loading...

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...