[Topnews:-] Farmaajo oo ogaaday inuu Kheyre dil u qorsheeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka kadibna dejiyay Hotel Peace iyo dagaalkooda oo xoogeeystay ?

0
Wednesday May 01, 2019 - 00:52:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2982
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Farmaajo oo ogaaday inuu Kheyre dil u qorsheeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka kadibna dejiyay Hotel Peace iyo dagaalkooda oo xoogeeystay ?

    Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay Ciidan ilaalo ah oo culus siiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Somalia iyo ku xigeenadiisii kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka hanaanka Shidaalka Somalia oo ay isku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeeysay Ciidan ilaalo ah oo culus siiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka Somalia iyo ku xigeenadiisii kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka hanaanka Shidaalka Somalia oo ay isku mari waayeen Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha.

"Wasiirka Batroolka wuxuu ku jiraa gacanta Ra’isulwasaare Kheyre ,halka Farmaajo ay la safteen Agaasimaha guud iyo Wasiir ku xigeenka oo la dejiyay Hotel Peace, halkaas ay Ciidanka Madaxtooyadda ku ilaalinayaan” ayuu yiri  masuul ka tirsan Wasaaradda Batroolka oo Waagacusub la soo xiriiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu helay xog dhaba oo tilmaamtay inuu Kheyre khaarijin rabay Agaasimaha guud oo ka hor yimid siyaasadda Kheyre ee Shidaalka Somalia.

Heshiisyadii shidaalka oo dhan waxey ku jiraan gacanta Agaasimaha guud laakiin khilaafka labada masuul wuxuu sababi karaa inaan qorshaha Shidaalka Somalia la horgeyn baarlamaanka.

By Dahir Alasow
Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...