Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale maxey shalay iyo maanta ku sameeyeen Reer Maxamed

0
Thursday August 29, 2019 - 07:46:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5334
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale maxey shalay iyo maanta ku sameeyeen Reer Maxamed

    SHALAY GARAAD QOORWEYNE IYO MAXAMED SACIID YARE ? MAANTANA XASAN MACALIN SACIID IYO MURSAL XAASHI SHIRWAC ? Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale oo ka aamusan dulmigaan joogtada noqday ee Reer Maxamed ay ku hayaan dad u dhashay labada reer !! Fadlan si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHALAY GARAAD QOORWEYNE IYO MAXAMED SACIID YARE ? MAANTANA XASAN MACALIN SACIID IYO MURSAL XAASHI SHIRWAC ? Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale oo ka aamusan dulmigaan joogtada noqday ee Reer Maxamed ay ku hayaan dad u dhashay labada reer !! Fadlan si degan u Akhri !!

Shalay Maxamed Saciid Yare oo Reer Nimcaale ah iyo  Garaad Qoorweyne oo Reer Qurdhaale ah ayaa doorashadii baarlamaanka Somalia ,xilligii Xasan Sheekh waxey Budbud ka keeneen Oday dhaqameed Reer Maxamed ah oo la yiraa Adan Madoobe kadibna waxey yiraahdeen ninkaan ayaa ah Nabadoonka Reer Maxamed.

Garaad Qoorweyne iyo Maxamed Saciid Yare waxey yiraahdeen Reer Maxamed shan ergo ayey leeyihiin laakiin Reer Qurdhaale 8 ergo ayey leeyihiin , halka Reer Nimcaale ay u qoreen 13 ergo.

Reer Maxamed quursigaas waa ka dagaalamay ,waa iska diideen ,waxaana loo diiwaangeliyay ergadii ay xaqa u lahaayeen iyo Nabadoonka rasmigaa ee Reer Maxamed Nabadoon Dahir Mire.

Gefkii Maxamed Saciid Yare iyo Garaad Qoorweyne kula kaceen Reer Maxamed waxaa ka dhashay in guud ahaan ergadii Reer Maxamed garab istaagaan Musharaxii Xildhibaan ee beesha Reer Jalaf Cabdikariim Khaliif Cabdulle dhalac oo ka guuleeystay labadii musharax ee la tartamay una dhashay labadaas qabiil. .

Fariin ayey aheyd ineysan Reer Maxamed Cod siin Musharaxiintii Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale oo kala ahaay Xasan Korneyl iyo Cabduqadir Qalabxoor.

Quursigii, dulmigii iyo Likaacadii shalay mid la mida ayaa Hobyo ka dhacday kadib markii laba nin oo u kala dhashay Reer Nimcaale iyo Reer Qurdhaale  yiraahdeen shalay,  Xubinta Reer Maxamed qeybta u heleen xaq uma lahan iney ninkeey soo xusheen loogu daro Gollaha Marjaca Habargidir laakiin annagoo Reer Qurdhaale iyo Reer Nimcaale ah ayaa u soo xuleeyna.

Labadaan nin oo ka tegay Sweden iyo Finland waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Macalin Saciid Cilmi Fagaase iyo Mursal Xaashi Shirwac. waxey ku jiraan kooxda Al Itixaadka ee la baxay guddigga farsamadda shirka Hobyo.

Waxaan isweeydiiyay  maxaa u sababa dulmigaan iyo xadgudubka heerkaan gaarsiisan ee mar walba ay dad u dhashay labadaas reer ku sameeynayaan Reer Maxamed ?

Falkii hore ehel raaligelin ka bixiyaa lama arag, tana ma muuqato laakiin jawaabtii shalay mid la mida ayaa laga bixin doonaa gefka ay ku dhiiradeen.

Taladda ugu wanaagsan waxey tahay ‘XADGUDUBKA JOOJI,HANA U HADLIN DAD AAN KU WAKIILAN”

Xaqiiqadu waxey tahay Reer Cabdi iyo Reer Maxamed waxey sanadkaan rabaan iney kala qaataan Xildhibaanadda Galmudug iyo Federalka Somalia . waxaan rajo weyn ka qabnaa iney Reer Jalaf iyo Reer Barkhadle garab istaagayaan Musharaxiinteena.

XILDHIBAANKA GALMUDUG WAXAA LEH REER CABDI.

XILDHIBAANKA FEDERALKANA WAXAA LEH REER MAXAMED.

Reer Odoow iyo guud ahaan Sacad waa iney xilalka u qaataan tookeeysi laakiin ma dhici karto, mana dhici doonto in hal beel kursiga is laheey siiso.

Qoraalkaan waxaan ugu qoray Public Domain iney Sacad Saciid iyo guud ahaan HABARGIDIR marqaati ka ahaadaan DULMIGA IYO XADGUDUBKU HALKUU GAARAY.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...