BBC Somali oo ka hadashay jabkii ilhaan Cumar ka raacay taageerada Shirkadda Argagixisadda Hormuud Telecom

0
Thursday September 12, 2019 - 21:43:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4369
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBC Somali oo ka hadashay jabkii ilhaan Cumar ka raacay taageerada Shirkadda Argagixisadda Hormuud Telecom

    Wargeysyo ka soo kala baxa Israa'iil iyo Maraykanka, oo ay ka mid yihiin, The Times of Israel iyo Judicial Watch ayaa Ilhaan Cumar ku cambaareeyay in ay "taageertay Hormuud", ayna ciidamada nabad ilaalinta ka dalbatay in la ilaaliyo sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeysyo ka soo kala baxa Israa'iil iyo Maraykanka, oo ay ka mid yihiin, The Times of Israel iyo Judicial Watch ayaa Ilhaan Cumar ku cambaareeyay in ay "taageertay Hormuud", ayna ciidamada nabad ilaalinta ka dalbatay in la ilaaliyo shirkadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Ilhaan ayaa barteeda Twitterka ku qortay farriin ay ku cambaareysay weerar lagu burburiyay xarun ay lahayd shirkadda oo ku taallay xudduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Illaa iyo hadda macadda cidda weerarka qaaday, balse shirkadda ayaa sheegtay in horey looga burburiyay in ka badan 11 xarumood oo ku yaallay xudduuda labada dal.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dhankeeda cambareysay burburinta biraha isgaarsiinta Hormuud.

Wargeysyada waxay soo xiganayaan warbixinno horey loo qoray oo aan la caddeyn karin, kuwaas oo shirkadda eedeyn u jeedinaya.

Wargeyska ka soo baxa Israa'iil ayaa soo xigtay warbixinno ay Qaramada Midoobey qortay. Waxay warbixintooda cinwaan uga dhigeen "Ilhaan Cumar waxay si aan qorsooneyn u taageertay urur xumaan ku can baxay".

Sidoo kale Judicial Watch ayaa daabacay in Ilhaan ay "dalbatay in la difaaco shirkad uu aasaasay qof mar lagu eedeeyay inuu maalgeliyo argagixiso".

Ilhaan Cumar oo ka tirsan congress-ka Mareykanka ayaa 25-kii August boggeeda twitter-ka ku qortay "Waxaan aaminsanahay in la ilaaliyo lana difaaco waxyaabaha aasaasiga u ah horumarka , gaar ahaan iyadoo ay socdaan weerararada joogtada ah ee argagixisada".

Waxay intaa ku dartay "Shirkadaha waxay abuurayaan shaqo, waxayna lug ku leeyihiin suuqyada dhaqaalaha, taas oo qeyb ka ah nabadda".

Jawaabtii Hormuud weerarka ka dib

Muxiyadiin Xasan Cosobow, oo ah agaasimaha warbaahinta iyo suuq geynta shirkadda Hormuud, ayaa BBC Somali u sheegay in isgaarsiintooda "aan loo adeegsan arrin amniga wax u dhimaysa".

War qoraal ah oo ay soo saartay Hormuud waxay ku sheegtay in anteenooyiinka la burburiyay ay sababtay in qadka uu ka go'o illaa 4,000 oo qof.

Hormuud waxay sheegtay in adeeggan uu muhiim u ahaa dadka ku nool miyigaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionHormuud waxay sheegtay in adeeggan uu muhiim u ahaa dadka ku nool miyiga

Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta ayaa tilmaamay in AMISOM ay "ka dalbanayaan in ay dowladda Soomaaliya kala qeyb qaadato baaritaanka weeraradan soo noqnoqday".

Wuxuu Wasiir Cabdi Canshuur Xasan sheegay: "Waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah".

Muxiyadiin Xasan Cosobow ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay burburinta wuxuuna tilmamay in ay caddeyn u hayaan: "Waa ciidanka Kenya oo wata qalab militari. Waxay arrintan billaabeen 2017", ayuu yiri.

isagoo ka hadlayay shaqadooda wuxuu yiri: "Waxaa loogu talagalay in ganacsi loo adeegsado. Cid si qalad ah u isticmaasha maba u ogolaano isgaarsiinteena oo ku kooban deegaannada Soomaalida oo keli ah".

"Waxaan ku xaqiijineynaa in aan hayno dukumiintiyo caddeynaya in ay yihiin ciidanka Kenya. Waxaan haynaa dad marqaatiyaal ah. Waxaan haynaa in dadka deegaanka ay u sheegeen in ay burburin doonaan shirkadaha isgaarsiinta ee meelahaas ku yaalla", ayuu hadalka ku daray Muxiyadiin.

Qof dumar ah oo telefoon ku hadlayaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES/THE WASHINGTON POST
Image captionDadka isticmaala telefoonnada waxay kala xiriiraa qaraabadooda ku sugan gudaha dalka iyo dibadda

BBC ayaa la xiriirtay afahyeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna, wuxuuna ka gaabsaday in uu ka hadlo eedahaas uga yimid dhanka dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Hormuud.

Balse shirkadda ma oga sababta loo burburiyo xarumahooda xudduudda ku yaalla wuxuuna madaxa warfaafinta ee Hormuud sheegay "Waa marmarsiiyo ammaan, innaga siyaasiyiin ma nihin, waxaan nahay dad shacab oo ganacsato ah ".

Isgaarsiinta Hormuud waxaa laga adeegsanaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna sheegayaan in aysan jirin cid ay la leeyihiin xiriir dhanka amniga ah".

"Wax xiriir ah oo nalala soo sameeyay ma jiro, cid aan dhibaato ku hayno ma jirto, ma garaneyno sabab ay noogu marmarsiyoon karaan," ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Cosobow, Agaasimaha warbaahinta iyo suuq geynta ee shirkadda Hormuud.

Source: BbcSomali.com

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...