[Topnews:-] Amnesty iyo Human rights oo ka aamusay cunaqabateynta la saaray shacabka Jubbaland.

1
Friday September 20, 2019 - 05:43:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1689
  • (Rating 4.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Amnesty iyo Human rights oo ka aamusay cunaqabateynta la saaray shacabka Jubbaland.

    Waagacusub.com - Hay'adaha u dooda Xaquuqul insaanka Caalamka ee Human rights Watch iyo Amnesty International ayaa ka aamusay oo aan soo hadal qaadin tacadiyadda iyo cunaqabateeynta maamulka Farmaajo kula kaceen shacabka goboladda Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Hay'adaha u dooda Xaquuqul insaanka Caalamka ee Human rights Watch iyo Amnesty International ayaa ka aamusay oo aan soo hadal qaadin tacadiyadda iyo cunaqabateeynta maamulka Farmaajo kula kaceen shacabka goboladda Jubbaland.
Inta la xaqiijiyay 13 haweena Uur lahaay iyo lix qof oo waayeela ayaa ku dhintay Gedo iyo Jubbooyinka kadib markii ay waayeen diyaarad u qaado Muqdisho iyo Nairobi si loogu daweeyo.
Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe ayaa sheegay iney dhawaan soo saarayaan warbixin ku saabsan tacadiyada ka dhashay cunaqabateynta dhinaca socdaalka ee Dowladda Farmaajo saartay shacabka Jubbaland.
Diyaaradaha socdaalka ayaa lagu qasbay iney soo maraan Muqdisho ,halka markii hore ay  toos uga degi jireen Kismaayo iyo Dhoobleey balse taasi waxaa ka dhalatay tacadiyo baahsan oo gaartay iney dadkii xaaladaha Caafimaad u socday waayaan diyaarad qaado iyo sidoo kale shacabkii oo awoodi waayay lacagta safarka oo aheyd 80$ Dollar ,haddana noqotay 260$ dollar.
Dowladda Farmaajo ayaa xirtay guud ahaan wadooyinka Muqdisho taas oo sababtay shaqo la’aan baahsan iyo in leeyska xiro goobahii ganacsiga.
 Dowladda Farmaajo ayaa xasuuq baahsan ka geeysatay Baydhabo iyadoo ugu dambeeyna dalka Somalia ka eriday ergaygii Qaramadda Midoobay ee Arrimaha Somalia kadib markii uu dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii xasuuqay shacabka.
Dowladda Farmaajo ayaa horey xasuuqyo kala duwan uga geeysatay Bariire oo ay ku laaysay dad beeraleey ahaay iyo Muqdisho oo ay ku leeysay ilaaladii hogaamiyaha Mucaaradka Cabdiraxman Cabdishakuur.
Amnesty International iyo Human rights Watch midna kama hadal xasuuqyadaas ay geeysteen Ciidamo ka amar qaata maamulka Villa Somalia ee Madaxweyne Farmaajo.
Lamma ogga sababta Amnesty ugu riyaaqday xariga sharcidaradda ee  Wasiirka Amniga Jubbaland lagu xiray , halka ay ka aamustay tacadiyada iyo xasuuqyadda baahsan ee Farmaajo iyo Kheyre ay ka geeysanayaan Somalia.

Loading...

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...