[Daawo Al-Shabaab] oo laayay Saraakiishii iyo Ciidankii Dowladda ee CeelSaliini -hubkii iyo Tiknikadii ugu badnaana ka furtay iyadoo Farmaajo iyo Kheyre xitaa tacsi u quuri waayeen Ciidanka la laayay
Waaxda Warfaafinta argagixisadda Al-Shabaab ayaa baahisay maanta Muuqaalo ka marqaati kacaya in Ciidankii xeradda Ceel Saliid ee Shabeeladda hoose ay laayeen , kuwa kalena nolosha ku qabteen. Inkastoo Saraakiisha Dowladda Farmaajo ay beeniyeen in xeradii laga qabsaday, Askartiina la dhameeyay, haddana muuqaalkaan ayaa muujiyay ineysan askartii xeradaas joogtay midkoodna badbaadin.
Baabuurtii dagaalka, iyo hubkii ugu badnaay ayaa sidoo kale laga qabsaday Ciidanka Dowladda kadibna xeradii oo dhan waa gubeen.
Sawiradda aan helnay ayaa muujinaya Saraakiil caana oo si xun jirkooda loo jar jaray iyo Video ay dilayaan saraakiil ay nolol ku qabteen.
Madaxda sare ee dalka sida Farmaajo iyo Kheyre midkoodna tacsi kama dirin Gumaadka heerkaan gaarsiisan ee lagula kacay Ciidankii xooga dalka Somalia taas oo la yaab ka dhigan.
Maxey Wiilasha Habargidir iyo Abgaal u dhimanayaan ? maxey ka difaacayaan dowladda Farmaajo oo ku faraxsan geeridooda welibana tacsi u quuri waayay.?
[Daawo Al-Shabaab] oo laayay Saraakiishii iyo Ciidankii Dowladda ee CeelSaliini -hubkii iyo Tiknikadii ugu badnaana ka furtay iyadoo Farmaajo iyo Kheyre xitaa tacsi u quuri waayeen Ciidanka la laayay
Waaxda Warfaafinta argagixisadda Al-Shabaab ayaa baahisay maanta Muuqaalo ka marqaati kacaya in Ciidankii xeradda Ceel Saliid ee Shabeeladda hoose ay laayeen , kuwa kalena nolosha ku qabteen.