[Ciidankii] uu aas-aasay Farmaajo oo dagaal beeleed cusub loo adeegsanayo

0
Friday October 11, 2019 - 20:01:06 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ciidankii] uu aas-aasay Farmaajo oo dagaal beeleed cusub loo adeegsanayo

    Waagacusub.com- Ciidanka guutada 14-ka Oktoober, ee uu aas aasay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu xasuusto nabadii iyo dib u heshiisiintii ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ciidanka guutada 14-ka Oktoober, ee uu aas aasay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana lagu xasuusto nabadii iyo dib u heshiisiintii ay ka sameeyeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose, ayaa hadda lugaha la galayo taariikh xun oo madow taas oo dhaawici karta guushii madaxweyne Farmaajo uu ka soo hoyay dagaaladii Marka ee qabaa'ilka salka ku hayay.
Warar ay heshay Waagacusub Media, ayaa xaqiijinaya in guddoomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax, guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Waafow ay ciidanka 14-ka Oktoobar u adeegsanayaan caburinta, xariga iyo jirdilka dad gaar ah oo daga Marka, kuwaas oo aan wali ka soo kaban boogihii ka dhashay dagaalada Sokeeye.

Warbahinta Waagacusub, ayaa xaqiijisay in tobaneeyo dhalinyaro ah oo aan wax dambi ah gelin ay ku xiran yihiin magaalada Marka, kuwaas oo ka soo jeeda beelo gaar ah, waxaana aerinataasi lagu tilmaamay beegsi gaar ah.

Loading...

Sidoo kale waxaa jirta in markii ay magaalada wax ka dhacaan la xiro oo kaliya dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo reer Banaadiriga waxaana dadka ay aad uga cabanayaan dhibaatooyin ay kala kulmayaan dad u dhashay Beesha Biyamaal, gaar ahaan Waafow iyo Sarkaalka hoggaamiya 14-ka Oktoober Cusmaan Xasan oo loo adeegsaday caburinta shacabka.

Najax oo kasoo jeeda beesha Garre ayaa isbahaysi la ah saraakiisha Biyamaal ee Waafow uu ka mid yahay.

"Dadka Banaadiriga ah iyo beelaha kale ee Hawiyaha ah waxay dareemayaan caburin iyo dhibaatooyin daran oo aan lala qaban, waxaana tabasho ka nahay Najax, Waafow iyo Cusmaan Xasan, hadii aan wax laga qaban waxaa halkaan dib uga qarxi doono dagaalo Sokeeye muddo aan fogayn” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan gobalka Shabeellada Hoose.

"Maalmo ka hor waxaa jirtay in ay xiisad culus ka dhalatay odayaal gaaraya 7 qof oo lagu xiray Marka kadibna ay magaalada halis ku gashay in dagaalo dib uga qarxaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay oo ka tirsan Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ee gobalka Shabeelada Hoose.

Waxaa jira kulamo ka kala dhacay Shalaanbood iyo degaan duleedka ka ah Marka, kulamadaasi oo looga tashaday sidii looga hortagi lahaa wax ay Tacadi ugu yeereen dadka degaanka ee gobalka Shabeelada hoose, gaar ahaan beelaha Habar-gidir, Abgaal iyo Baadi-Cadde. Dadka degaanka ayaa qaba cabsi badan oo ah in dagaaladii ay dib u soo laabtaan.

Ciidamada 14 OGT waxa u badan beelaha Mareexan Biyamaal iyo qabiilo kale  waxa kuyar Beelaha HAWIYE sida Abgaal.  Habargidir Murusade Xawadle Galjecel 

W/Q/Ali Adan Hashi
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...