Ma dhab baa Saraakiisha Al-Sahabaab iney iibsadaan Passport Jibouti ? [Mohamed Adan ayaa ka waramay] !

0
Monday November 18, 2019 - 03:42:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6214
  • (Rating 1.2/5 Stars) Total Votes: 111
  • 21 16
  • Share via Social Media

    Ma dhab baa Saraakiisha Al-Sahabaab iney iibsadaan Passport Jibouti ? [Mohamed Adan ayaa ka waramay] !

    Sheekh Mohamed Adan oo Al-Shabaab u qaabilsan tababarka Sirdoonka iyo la socodka dhaqdhaqaaqyadda ganacsiga ayaa sheegay inuu Passport-kiisa Jibouti lacag ku iibsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Mohamed Adan oo Al-Shabaab u qaabilsan tababarka Sirdoonka iyo la socodka dhaqdhaqaaqyadda ganacsiga ayaa sheegay inuu Passport-kiisa Jibouti lacag ku iibsaday.

Mohamed Adan oo ku dhashay degmadda Ceelbuur , una qaabilsanaay Sirdoonkii Somalia dhinaca Jirdilka ayaa  sagaalkii sano ee ugu dambeysay ka mid ahaay Saraakiisha sare ee Al-Shabaab.

Mohamed Adan oo la rumeeysan inuu sidoo kale Shirkadda Hormuud Telecom u qaabilsan yahay dhinaca Amniga iyo siyaasadda wuxuu yiri "Jibouti waa Jamhuuriyad yar ,waxkastoo yaalana waa iib oo Passport-ka lacag ayaan uga iibsanayā€¯

Mohamed Adan ayaa Saraakiil badan oo Al-Shabaab ah wuxuu Passports uga sameeyay Jamhuuriyadda Jibouti halkaas oo fariisin u ah Ahmed Nur Ali Jimcale oo isaga laftiisa heeysta Jiboutian Passport.

Saraakiisha Al-Shabaab ee heeysta Passport-ka Jibouti waxaa ka mida Feysal Yusuf Diini oo Al-Shabaab u qaabilsan Canshuur ka qaadista iyo maalgelinta gobolka Banaadir ee dhinaca dhulka iyo guryaha. Abdikarim Mohamed Kaariye oo isagana dhawaan loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda Al-Shabaab iyo Abdihakim Hassan Iidow oo Shabaab u qaabilsan dhinaca sahanka ee dalalka Geeska Afrika.

Dhamaan saraakiishaan waxey horey u heysteen Ethiopian Passports oo laga wada kansal gareeyay markii la ogaaday.

Ma jirto cadeeyn muujineysa iney Jibouti ka iibsadeen Passport-ka hasse yeeshee warkaan laga soo xigtay Mohamed iyo qaar ka mida shaqaalaha Hormuud Telecom ayaa Cabsi weyn ku abuuraya xiriirka labada dal ee walaalaha.

Sarkaal ka tirsan dabagalka Qaramadda Midoobay ee Arrimaha Somalia ayaa Xeeldheerayaal badan weeydiiyay sababta Dowladda Jibouti u siiso Passports dhamaan shaqaalaha Hormuud Telecom,Salaam Bank iyo Taaj Express kuwaas oo dunida ku tuhunsan yihiin iney yihiin Al-Shabaab.

By Dahir Alasow

[email protected]


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...