Topnews:- Musuqmaasuq Wasiirad Khadiijo Diiriye oo iibsatay Visayaal Mareykan iyo Yurub - Copies Visas -Passports-Invitations

0
Wednesday December 18, 2019 - 09:30:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9270
  • (Rating 4.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Musuqmaasuq Wasiirad Khadiijo Diiriye oo iibsatay Visayaal Mareykan iyo Yurub - Copies Visas -Passports-Invitations

    1- Qofka wata Visaha Mareykanka 2018 waxaa la yiraa Cabdul baari Ali Mudey , wuxuu ku magacaawnaa madaxa Jiheeynta dhalinyaradda Wasaaradda dhalinyaradda Somalia. Visa Mareykan ah ayaa laga siistay lacag dhan 15000$ Dollar.wuxuu hormariyay Toban kun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- Qofka wata Visaha Mareykanka 2018 waxaa la yiraa Cabdul baari Ali Mudey , wuxuu ku magacaawnaa madaxa Jiheeynta dhalinyaradda Wasaaradda dhalinyaradda Somalia. Visa Mareykan ah ayaa laga siistay lacag dhan 15000$ Dollar.wuxuu hormariyay Toban kun, shanta kun ee ku hartayna waxaa looga bedeshay booskiisa xilkii uu Wasaaradda ka haayay. Lacagta tobanka kun waxaa ka qaatay, oo Warqadda Note Feerbalka u sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Isaq Xaashi Jimcale oo u dhashay beesha Dir, Surre, Agoon. Agaasime Isaq Xaashi Jimcale wuxuu si been guura warqad ugu qoray Cabdul Baari,wuxuuna u sheegay inuu u wareejiyay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Agaasime Isaq ayaa gaarigiisa gaarka ah ee NOHA ,Cad ku geeyay Cabdul Baari garoonka diyaaradaha Muqdisho kadibna wuxuu mariyay Qeybta VIP.

2- Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somalia Ahmed Abdullahi Ali, Ahmed Filibiin ayaa ka mida dadka Visaha Mareykanka qaatay ee iska dhiibay Canada.


Loading...

Ahmed Filibiin waxaa u awoowe ah Saalim Caliyow Ibrow oo horey u qabi jiray Wasiirad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Baarista waxaan ku ogaanay in Ahmed Filibiin weli qaato lacagtii Mushaarka todobada boqol iyo gunnadii afarta boqol ee Agaasimaha Wasaaradda dhalinyaradda.

Wasiirad Khadiijo Diiriye ayaa u sheegtay hoowlwadeenadda Wasaaradda in Ahmed Filibiin uu Waxbarasho ugu maqan yahay Jaamacad ku taala Nairobi , Kenya.

3- Xuseen Cabdullahi Cali oo la dhashay Ahmed Filibiin ,kana shaqeeyn jiray Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa ka mida dadka ay Visaha ka iibsatay Wasiirad Khadiijo Diiriye. iyadoo lagu kaxeeyay inuu Agaasime ka yahay Wasaaradda dhalinyaradda iyo Sports-ka waloow ay taasi been tahay.


Xuseen Cabdullahi Cali wuxuu hadda iska dhiibay oo joogaa dalka Sweden.

4- Mohamed Ibrahim Yusuf ayaa ka mida dadka ay Visayaasha ka iibsatay Wasiirad Khadiijo Mohamed Diiriye. wuxuuna tegay dalka Belgium, isagoo iska dhiibay Germany.


5- Shaqsiyaadka ay Wasiirad Khadiijo ka iibsatay Visaha Mareykanka waxaa ka mida Abdirahman Yusuf Ali. wuxuu ahaay isku duwaha Wasaaradda dhalinyaradda iyo Sports-ka Xukumadda Federalka Somalia.

Halkaan hoose waxaa ku cad sawiradda ay la gashay Wasiiradda markii ay tahriibineysay dhalinyaradda, Waraaqahii casuumaadda ee loo sameeyay, iyo Passport Copy , Ninkeedii dhalinyaradda ka kaxeeyay Mareykanka ee geeyay Canada.



Falalka nuucaana waa dimbi muqalasnimo iyo ganacsi sharci daro ah laakiin lamma ogga waxey ka yeeli doonaan Madaxda Dowladda Farmaajo.











Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...