[TOPNEWS:-] Senator Dhegdheer sidee u dilay Suldaankii Habar idinle Abshir Socdaal.

0
Thursday January 23, 2020 - 09:21:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [TOPNEWS:-] Senator Dhegdheer sidee u dilay Suldaankii Habar idinle Abshir Socdaal.

    Waa kumma Senator Dhegdheer ? Cabdi Axmed Dhuxulow oo loo yaqaan Dhegdheer wuxuu u dhashay beesha Murusade gaar ahaan HABAR IDINLE, ADAN SELED.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kumma Senator Dhegdheer ? Cabdi Axmed Dhuxulow oo loo yaqaan Dhegdheer wuxuu u dhashay beesha Murusade gaar ahaan HABAR IDINLE, ADAN SELED.

Taariikhdiisa oo kooban.

Waagii Siyad barre wuxuu la shaqeyn jiray Dhegdheer nin la dhihi jiray Cali Dheere oo Maxamed Sheekh Cismaan guryaha u dhisi jiray .

Cali Dheere wuxuu sheegay inuu Dhegdheer ka watay Xararyaale oo ay Lo ugu xirneed kuwaas oo uu caanaha ka gadan jiray.

Haba yaraatee nasiib uma yeelan inuu School dhigto ama waxbarasho helo.

Murusadahii markeey kala jabeen ee Cali Mahdi iyo Caydiid kala raaceen ayuu isaga raacay garabkii Cali Mahdi ee Maxamed Faarax Jiis iyo Mire Indhayare.

Dhegdheer wuxuu ka mid ahaay garabkii Maanafeestadda u dirtay barakicinta Daaroodka. waxey kooxda Dhegdheer leeyn jireen Daaroodka si jabhadahii Caydiid iyo Axmed Cumar Jees dalka u qabsan oo loo kala tago.

Hoowshaas dhegdheer waxaa maamuli jiray Maxamed Abshir Haabaan, Maxamed Nur Galaal, Gentleman , Maxamed Faarax Jiis , Mire Indhayare iyo kooxdaas  dadka u dhashay Daaroodka u leeyn jiray qabiil.

Senator Dhegdheer wuxuu siyaasadda xoogeeda soo galay markii la sameeyay Ciidankii Al-Cadaala ee Xarunta u aheyd xaafadda Baramuudo loo bixiyay ee degmadda Waaberi.

Ciidankaas Mire Indhayare waxey Madaafiic ku garaaci jireen dhinacyadda Habargidir iyo Abgaal si dagaalkooda u biloowdo. waxey fulin jireen siyaasadii Maanafeesto.

Dhuxulow Dhegdheer wuxuu ku dhaawacmay dagaalkaas ay abaabulayeen Ciidan beeleedkii Al-Cadaala, wuxuuna ka jajabay LUGAHA.

Markii Qanyare iyo Caydiid heshiiyeen waxaa diiday oo qaadacay Suldaankii Habar Idinle oo la dhihi jiray ABSHIR SOCDAAL.

Qanyare ayaa Dhegdheer u diray Abshir Socdaal inuu heshiis ka keeno. waa diiday Abshir Socdaal.

Ciidan uu watay Dhegdheer ayaa toogtay Abshir Socdaal,waana xilligaas xilligga ay saaxiibeen Qanyare iyo Dhegdheer.

Labada nin ee Murusadaha u soo baxay waxey kala ahaayeen Ciise Katoolig oo taabacsanaa Qanyare iyo Abshir Socdaal oo raacsanaa Cali Mahdi.

Labadaas nin waxey ku baxeen gacanta Murusade. Abshir Socdaal dilkiisa waxaa lagu eedeeyaa Dhegdheer, halka dilkii Ciise Katoolig lagu eedeeyo Abukar Socdaal.

Senator Dhegdheer wuxuu noqday dalaal wixii ka dambeeyay xilligaas, wuxuuna la shaqeeystaa Dowladda Farmaajo, Al-Shabaab iyo cidkasta oo maalintaas maqaayadda u shidan tahay.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...