Sarkaalkii maleegay weerarkii Westgate Nairobi iyo Passport-kiisa Kenya oo magac beena ugu qoran ?

0
Friday May 01, 2020 - 08:39:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2488
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaalkii maleegay weerarkii Westgate Nairobi iyo Passport-kiisa Kenya oo magac beena ugu qoran ?

    Magaciisa runtaa waa Cumar Maxamuud Cabdi Shido , wuxuu ku dhashay Degmadda Wardhiigleey ee Muqdisho 3 December 1985 . Cumar Shido wuxuu Passport ka sameeystay Kenya isagoo ku qortay Omar Ahmed Saneey iyo inuu dhashay 13 June 1990, sidoo kale Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaciisa runtaa waa Cumar Maxamuud Cabdi Shido , wuxuu ku dhashay Degmadda Wardhiigleey ee Muqdisho 3 December 1985 . Cumar Shido wuxuu Passport ka sameeystay Kenya isagoo ku qortay Omar Ahmed Saneey iyo inuu dhashay 13 June 1990, sidoo kale Cumar Shido waxaa ugu qoran Kenyan Passport-kiisa inuu ku dhashay Wajir Kenya. sida ku cad Copy Passport ku jira Lifaaqa oo loo sameeyay 20 March 2019 ,kana dhici doono 20 March 2029.
Cumar Shido oo horey u soo noqday Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab waxaa dhashay Caanood Nurre Maxamuud iyo Maxamuud Cabdi Shido Seefle oo labaduba u dhashay qabiilka Hawiye gaar ahaan Habargidir, Sacad, Cawareere, Juffadda Reer Barkhadle.
Cumar Shido intii uu joogay Muqdisho wuxuu la saaxiib ahaay wiilkii isku qarxiyay Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ee Cabdisalan Muse Lugeey , isagoo ka qeybqaatay abaabulkii qaraxa markii uu Al-Shabaab ku biiray, wuxuu darawal u noqday Afhayeenkii Maxkamadda AlFurqaan Mr Cagaweyne iyo Gudoomiyaha Majmaca Culumadda Soomaaliyeed Bashiir Axmed Salaad laakiin wuxuu Muqdisho isaga cararay kadib markii uu ka qeybqaatay dilkii Taliyahii Boliiska Gobolka Banaadir Mr Cali Saciid Xasan Wadaad Allaha u naxariistee.
Cumar Shido wuxuu mudo ka shaqeeynaayay Hotel Sharif oo ku yaal Xaafadda Islii Nairobi ,wuxuuna sidoo kale furtay Xarun tikidhada Diyaaradaha laga gooyo.
Dad xog ogaala waxey sheegeen inuu Cumar Yare ka tirsan yahay Waaxda dhaqaalaha iyo Sirdoonka Al-Shabaab.
Intii uu Nairobi joogay weeraradii uu gacan ka geystay waxaa ka mida Weerarkii Westgate iyo kii lagu qaaday Hotel Dusi2 Nairobi Kenya.
Cumar Shido oo hadda jooga Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug wuxuu qabaa gabadh la yiraa ZamZam Cali Baashi oo ku nool Dalka Uk, waxeyna u xareeysay Visa uu doonayo inuu ku baxo dhawaan haddii la aqbalo dacwadeeda.
Dowladda Ingiriiska kama warqabto shaqooyinkii uu soo qabtay Cumar Shido iyo kooxda uu ka tirsan yahay ee Al-Shabaab.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...