Sida ugu fudud ee Argagixisadda Al-Shabaab looga adkaan karo !! By Dahir Alasow

0
Sunday August 09, 2020 - 06:29:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1793
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sida ugu fudud ee Argagixisadda Al-Shabaab looga adkaan karo !! By Dahir Alasow

    1- in baarlamaanka ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagixisadda. 2- In Shirkadaha Isgaarsiinta lagu qasbo iney Simcard-yadooda diiwaangeliyaan. qofkii loo baahdana hayaan dukumiintigiisa sida ID-Card ama Passport. 3- In Xawaaladaha lagu qasb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1- in baarlamaanka ansixiyaan sharciga la dagaalanka argagixisadda. 2- In Shirkadaha Isgaarsiinta lagu qasbo iney Simcard-yadooda diiwaangeliyaan. qofkii loo baahdana hayaan dukumiintigiisa sida ID-Card ama Passport. 3- In Xawaaladaha lagu qasbo ineysan lacag u diri karin , lacagna siin karin qof aan dukumiintigiisa sharciga wadan.


4- Inaan akoon bank loo furi karin qof aan dukumiinti sharciya wadan.

5- In Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida shaqaale ka qortaan Xafiisyada ugu muhiimsan Shirkadaha Isgaarsiinta, Bankiyada iyo Xawaaladaha.

6- In la faafiyo xeer ciqaabeedka qofkii ama Shirkadii lagu qabto iyadoo Canshuur siineysa Al-Shabaab, sida ganaaxa .

7- In la sameeyo dhalinyaro ka tirsan Sirdoonka oo iska dhigaya Al-Shabaab qeybta Canshuurta iyo Zakawaat-ka si qalqal loo geliyo dadka ay lacagta baadda ka qaataan, tusaale haddii dhawr qof Sirdoonka dowladda u qabtaan iney Al-Shabaab la macaamilaan waxaa imaan doona shaki abuuraya in la garan waayo qofka sida rasmigaa uga socda Shabaab.

8- In Ciidanka Boliiska Warbaahinta ka baahiyaan shirkadii lagu qabto gacan siin argagixiso. 

9- In Shirkadaha ganacsiga loo sameeyo Ciidan Dhar cad oo amaankooda suga.

10 - In Goobaha ay joogaan laga xayiro adeegyadda loo qaado iyo Isgaarsiinta si ay u gallaan go’doon.

11- In la sameeyo Saraakiil iyo askar dharcada oo daba gal ku sameeya Saraakiisha la yaqaan ee NISA iyo askarta joogta baraha kontarooladda.

Inta la ogyahay Shirkadaha taageera Al-Shabaab waxey lacag badan ku bixiyeen ineysan Xildhibaanadda baarlamaanka ansixin sharciga la dagaalanka argagixisadda sidaas darteed waxaa muhiima ineysan Hay’adaha amniga ku mashquulin arrimaha siyaasadda balse ay xooga saaraan amniga iyo sidii baarlamaanka u ansixin lahaay sharciga la dagaalanka argagixisadda.

By Dahir Alasow


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...