[Topnews:-] Qoor Qoor oo Farmaajo u hanjabay " Ma imaan kartid Dhuusamareeb"

0
Saturday August 15, 2020 - 05:19:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5632
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qoor Qoor oo Farmaajo u hanjabay " Ma imaan kartid Dhuusamareeb"

    Waagacusub.com - Qoor-Qoor ayaa inta uusan Muqdisho ka dhoofin wuxuu Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Habargidir u sheegay inuusan Farmaajo imaan karin Dhuusamareeb haddii uusan ka dhabeeyn ballantii uu ka qaaday beesha Habargidir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Qoor-Qoor ayaa inta uusan Muqdisho ka dhoofin wuxuu Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Habargidir u sheegay inuusan Farmaajo imaan karin Dhuusamareeb haddii uusan ka dhabeeyn ballantii uu ka qaaday beesha Habargidir.
"koleey waan u sheegnay in uusan isku soo ceebaynin Dhuusamareeb isaga oo wadin Ra’iisal Wasaare Habargidir ah, hadii uu yimaadana Karaama kalama soo noqon doono Galmudug”, sidaas waxa yiri  Qoor Qoor.
Odayaasha sheegta hogaanka beesha Habargedir ayaa kula taliyay Qoor Qoor in uu u dhaarto Farmaajo, cabsina galiyo, maadama Farmaajo yahay shaqsi aan xamili karin goodinta iyo hanjabaada.
Qoor Qoor ayaan si aan gambasho lahayn ugu hanjabay Farmaajo, waxaana muuqato in beesha Habargidir ay ka go’aan tahay in ay hesho kursigaas.
Beelaha kala duwan ee ku dhaqan deegaanka hoos yimaada Galmudug ayaa aad uga xumaaday in Qoor Qoor uu ka dhigo Galmudug DG ay leedahay beesha Habargidir oo kaliya.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...