Xildhibaan Mursal Xeefoow"QoorQoor iyo Maamulkiisa garbaashay iyo booqashadii uu ku tegay Ceeldheere"

0
Friday January 15, 2021 - 09:30:20 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mursal Xeefoow"QoorQoor iyo Maamulkiisa garbaashay iyo booqashadii uu ku tegay Ceeldheere"

    Waxaan kalahaadii hore tagay deegaanka Ceel-Dheere oo 22km u jira caasimada Galmudug, waxaan kula kulmay gudoomiyaha Ceel-dheere, askar aan badneyn oo boolis ah iyo taliskoodii oo intii xalay argagaxisadu xabada ku mireen, waxaa la ii sheegay in aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan kalahaadii hore tagay deegaanka Ceel-Dheere oo 22km u jira caasimada Galmudug, waxaan kula kulmay gudoomiyaha Ceel-dheere, askar aan badneyn oo boolis ah iyo taliskoodii oo intii xalay argagaxisadu xabada ku mireen, waxaa la ii sheegay in aan wax ciidan ah lagu soo xoojin. Waxaan dhageystay xuuraanka bulshada waxaana igu soo dhacay qiso ku asteysan sooyaalka taariikhda maamul xiligii dowladii Cabaasiyiinta.

Waxaa la sheegaa madaxdii dowladii Cabaasiyiinta in ay caasimad u ahayd Baqdaad waxaa aay xarun ciidan oo weyn ku lahaayeen deegaan duleedka baqdaad waxaana laga ilaali jiray amniga iyo xasiloonida caasimada bulshada ku noolna waxa aad ahaayeen kuwa maamulka iyo ciidamada aad ugu dhex laban.

Waxaa dowladii soo wajahay cabsi laga qabay Tartaarkii oo ahaa dhaqdhaqaaq ku caanbaxay xasuuq iyo arxan la'aan, taliskii ciidanka ayaa la isugu yeeray waxaana lagu amray in amniga la xoojiyo diyaar garow Ciidana la galo si looga hortago hanjabaada dowlada uga imaaneysa dhanka Tartaarka ( Masuuliyiin) waxaa si gaar ah looga balamay saldhigii ciidan iyo bulshadii la nooleed nin xil gaar ah la iska saaro, laakiin nasiib daro saraakiishii ciidanka muhiimad maba siin in aay taliskaas xoojiyaan oo la wada ogyahay in marka uu domo caasimaduna gacanta ka baxeyso.

Subaxdii dambe ayuu khaliifkii Cabaasiyiinta ka war helay in Tartaarkii la wareegeen saldhigii ciidan iyo shacab wixii joogay wixii la dilay mahee wixii kale la qafaashay, wuxuu durba shir isugu yeeray Wasiiradiisii, lataliyayaashiisii iyo saraakiishiisii ciidanka oo badankoodba xariir ay horay ula sameysteen Tartaarka si ay badbaado waqtigeedii dhamaaday uga dalbadaan, waxaa warbixin lagu siiyay in saldhigii ciidan looga soo tagay bulshadii deeganka si aad u difaacaan intoodii badneedna la gumaaday, waxaa uu khaliifkii weydiiyay maxaa ciidan loogu xooji waayay oo taliska loo difaaci waayay, waxaa si fudud loogu jawaabay "adna waa tumatay inaguna waan hurudnay hadana magaaladu waa hareereeysantahay", wuxuu ku celiyay maxaad ku talineysaan maanta waxey ku dheheen maanta ka hor kaligaabaad tali jirtay maantana dhimashadu waa kugu kaligaa.

Dowlada Galmudug iyo madaxdeeda maanta shaqeyneysaa malaha kuwaas waaba kasii tala xunyihiin.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...