97-sano jir ku dhiiraday in laga tallaalo Xannuunka Covid-19!

0
Friday January 15, 2021 - 09:40:42 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    97-sano jir ku dhiiraday in laga tallaalo Xannuunka Covid-19!

    Dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa kordhisay dhiiragelinta dadka daneynaya kahortagga Xannuunka Covid-19, si gaar ah dadka da'da ah oo la sheegay in ay halis u geli karaan haddii uu ku dhaco fayruska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa kordhisay dhiiragelinta dadka daneynaya kahortagga Xannuunka Covid-19, si gaar ah dadka da'da ah oo la sheegay in ay halis u geli karaan haddii uu ku dhaco fayruska.

Dadka la tallaalay waxaa kamid ah madax katirsan maamulka Imaaraatka, shaqsiyaadka magaca leh, Ganacsatada & Dadka da’da ah ee waaya-joogga u ahaa dhacdooyin kala duwan oo dhammaantood garabka laga siinayo Tallaalka.

Nakhiira Cubayd Saciid Al-Dahaari oo ah (97 jir) waxa uu garabka ka qaatay Tallaalka kahortagga xannuunka dilaaga ah ee Coronavirus, waxaana ku dhiiraday dad kale oo welwel ka qabay faafitaanka Covid-19.

Xubno katirsan Qoyska Ninkaan la tallaalay ayaa Warbaahinta u sheegay xiligii garabka laga tallaalay in ay ku faraxsan yihiin in Aabahood uu heli difaaca jirka ee kahortagga xannuunka Covid-19 oo kiisas kala duwan laga helay dalkaas.

"Aabaheen waxa uu go’aansaday in la tallaalo sida qoyska intiisa kale, waxa aan ku dhiirigelinay in uu sidaas sameeyo, iyada oo la raacayo tilmaamaha hoggaankeena iyo dedaalka dowladda Abu Dhabi” Sidaasi waxaa yiri qoyska Nakhiira oo ah 97-sano jirka qaatay Tallaalka Covid-19.

Guud ahaan Caalamka maanta oo Jimco ah waxaa ka diiwaangashan 93,536,554 (Sagaashan & Saddex Milyan, shan boqol, soddon iyo lex kun, shan boqol, Konton & afar), Dhimashadu waa 2,002,465 (Labo Milyan, labo kun, afar boqol, lexdan & Shan), waxaana ka bogsaday 66,835,146 (Lexdan iyo lex milyan, siddeed boqol, soddon & shan kun, boqol, afartan & lex) ruux.


Loading...

 

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...