Dibad Bax Looga Soo horjeedo farmaajo Oo muqdisho ka dhacay

0
Monday January 25, 2021 - 11:56:05 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad Bax Looga Soo horjeedo farmaajo Oo muqdisho ka dhacay

    Caasimada soomaliya ee muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Farmaajo, kaas oo sidoo kale lagu dalbanayey in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween & dhalinyaro ayaa isugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caasimada soomaliya ee muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Farmaajo, kaas oo sidoo kale lagu dalbanayey in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween & dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkenley ee gobolka Banaadir, iyaga oo ay ku qeylinayey erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, kana dhan ah madaxweynaha.

 

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay sawirada Farmaajo oo ay ku dul-qoran yihiin dooni-meyno kaligiis telis iyo iyo ha-dhaco Farmaajo

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb-galay dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo dagaal sokeeye, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu qabto doorasho loo dhan yahay, si looga baaqsado qalalaase.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka oo uu ka taagan yahay ismarin-waa xoogan.

Maamullada, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ayaa diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashada, iyada oo uu haatan waqtigu uu yahay mid gabagabo ah.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa hadda socda dadaallo ay waddo beesha caalamka oo la’isku soo dhoweynayo dhinacyada doorashada.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...