Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Farmaajo Uu hogaamiyo oo ugu danbeeyn qaatay amaro kaga yimid Beesha caalamka kadib Cadaadis Xoogan oo la saaray

0
Wednesday January 27, 2021 - 14:56:37 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Farmaajo Uu hogaamiyo oo ugu danbeeyn qaatay amaro kaga yimid Beesha caalamka kadib Cadaadis Xoogan oo la saaray

    Warar Aan helnay ayaa tibaaxaya in dowladda Farmaajo maamul gobaleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ay isku raaceen in 1-da bisha Febraayo ee sanadkaan shir isugu yimaadaan, kadib cadaadis xooggan oo beesha caalmka ay saartay dhinacyada Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar Aan helnay ayaa tibaaxaya in dowladda Farmaajo maamul gobaleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ay isku raaceen in 1-da bisha Febraayo ee sanadkaan shir isugu yimaadaan, kadib cadaadis xooggan oo beesha caalmka ay saartay dhinacyada Soomaalida. Shirkaas ayey u badan tahay in lagu qabto magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, inkasta oo weli aan taas si rasmi ah la isugu raacin.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirkaan diirada lagu saari doono arrimaha doorashada Soomaaliya iyo xal u helida qodobada muranka ka taagan yahay ee doorashada dalka.

 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in aan ilaa hadda heshiis la gaarin doorashada, islamarkaana wali ay jiraan caqabado ku hor gudbin waan waanta ay wadaan xubnaha beesha caalamka.

 

Shirkan ayaa imanaya ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu booqasho ku tegay caasimadaha maamul goboleedyada, si uu madaxda goboleedyada ugu cadaadiyo inay heshiis ka gaaraan doorashada.

 

Sidoo kale, Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

 

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

 

 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...