Qoor Qoor oo qirtay in Dhuusamareeb uusan ka difaaci karin Al-Shabaab

0
Wednesday January 27, 2021 - 15:12:48 in Wararka by Editor in Chief
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo qirtay in Dhuusamareeb uusan ka difaaci karin Al-Shabaab

    Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco. Hadalkaan Qoor Qoor waxa uu ka sheegay kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka Ee b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco. Hadalkaan Qoor Qoor waxa uu ka sheegay kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka Ee beesha Cayr

Odaaysha la kulmay Qoor Qoor waxay kala hadlayeen khilaaf ka taagan awood qeybsiga golaha deegaanka ee magaalada Dhuusamreeb, balse waxay isku dayeen in kulankaas ay uga faa’iideystaan ka hadalka ammaanka faraha ka siibaxaya ee deegaanada Galmudug, gaar ahaa Dhuusamareeb oo habeen kasta deegaanada u dhaw ay Al-Shabaab yimaadaan.

Qoor Qoor ayaa odayaasha u sheegay inuu la socdo in gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab, balse Galmudug aysan heysan ciidan lagu tashan karo oo iska dhiciya Al-Shabaab. Waxuuna odayaashii u yimid ee Dhuusamareeb ka soo jeeday u sheegay in deegaanka ay ka difaacdaan Al-Shabaab, maadaama uusan maamulkiisu laheyn ciidan difaaca.

Intaas kadib odayaasha oo ka carooday jawaabta Qoor Qoor, ayaa u sheegay in sanad ka hor markii uu xilka qabtay aysan Al-Shabaab ka sokeyn Ceelbuur, balse maanta aysan waxaba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.

Qaar ka mid ah odayaasha oo Waagacusub uu Lahadlay waxay u sheegeen in markii halkaas la kala taagan yahay kulankii lagu kala dareeray, isla markaana uu ku sii batay walaaca ay ka qabaan xaaladda ammaan ee deegaanadooda.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...