Dhuusamareeb maxaa ka socda ?
Sidoo kale waxaa gaaray Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, oo iyagu qeyb ka ah shirka wada-tashiga ee looga hadlayo is-mari-waaga doorashada oo muddooyinkii dambe marayay meel xasaasi ah.
Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada Dhuusamareeb, iyada oo waddooyinka muhiimka iyo xaafadaha qaar lagu daadiyay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug, oo ka wada-shaqeynaya xaqiijinta amniga.
Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeyss ah looga gaaraya xaaladda dalka iyo doorashooyinka, gaar ahaan tabashada ay qabaan madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, oo iyagu hore u qaadacay hanaanka doorashada, balse ku soo dabcay waan-waanta beesha Caalamka.
Waxaa isha lagu wada hayaa natiijada ka soo bixi doonta shirka Dhuusamareeb, maadama uu khilaafka doorashada xiisad cakiran ka abuuray dalka, xili maalmo tirsan ay ka harsan yihiin muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo dadka la sinaan doona wixii ka dambeeya 7 February 2021.
Dhuusamareeb maxaa ka socda ?
Waagacusub.com - Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa si weyn uga socda diyaar garoowga furitaanka shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Sida uu ogaaday Waag