[Topnews] Xaaska Farmaajo oo lunsatay lacagtii ay ku soo qaaday magaca dhismaha MCH!

0
Sunday April 11, 2021 - 02:45:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1636
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Topnews] Xaaska Farmaajo oo lunsatay lacagtii ay ku soo qaaday magaca dhismaha MCH!

    Waagacusub.com - Xaaska Madaxweynihii hore Farmaajo, Marwa Saynab Macalin ayaa mudo laga joogo labo sano waxa ay ku dhawaaqday mashruuc ay ku sheegay in ay dalka uga dhisayso 250 MCH – Cisbitaalo haweenka iyo caruurta. Waxa ay diyaarsatay hay&

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xaaska Madaxweynihii hore Farmaajo, Marwa Saynab Macalin ayaa mudo laga joogo labo sano waxa ay ku dhawaaqday mashruuc ay ku sheegay in ay dalka uga dhisayso 250 MCH – Cisbitaalo haweenka iyo caruurta. Waxa ay diyaarsatay hay'ad maxali ah oo ay ku qorotay magaceeda – taas oo lagu magacaabo Seynab Macalim Foundation. Waxa ay Xarunta Villa Soomaaliya dhexdeeda ku qabatay xaflad loogu dhawaaqayay mashruucaas iyada oo ay ka soo qayb galeen wasiiro iyo hay'ado kale.

Iyada oo lacag u raadinayso mashruucaas ayaa waxa ay safaro kala duwan ku tagtay dalalka Sacuudiga, Turkiga, koonfurta Kuuriya iyo dalka Qatar.

Waxa magaalada Muqdisho yimid wafuud ka socota dalka Sacuudiga kuwaas oo lacag yabooh ah siiyay hay’adda ay u sameeysatay in ay lacagaha lagu soo xawilio.

Si ay si toos ah ugu maamusho lacagta lagu keeni magaca hay’adda waxa ay koontiyo ka furatay dalka Turkiga iyo Qatar. Silacagta laga bixiya Koontooyinkaas waxa lagu qoray saxiixa jeegaga lacag bixinta gabadha ay ehelka yihiin xaaska Farmaajooo lagu magacaabo Nasra Wehliye.

Labo sano ka dib ma jiro hal MCH ama cisbitaalka habeenka iyo caruurta oo ay dhistay, lacagtii waxa ay u muuqataa in la lunsaday. Waxa lama huraan ah in shacabka Soomaaliyeed ay la xisaabtamaan qoyska Farmaajo! Lana weydiiyo halkeey ka baxday lacagtii ay Zeynab Macalin ku soo qaaday magaca umadda Soomaaliyeed.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...